Ra’iisal wasaarihii dalka Ingiriiska ayaa galay xaalad degdega oo caafimaad, iyadoo la sheegay inay xaaladiisa kasii dartay, xilli lala tacaalayey cudurka Covid-19 oo haleelay 10 maalmood ka hor.
Boris Johnson ayaa goor dhoweyd la geliyay xaaladda degdegga ah ee ICU (intensive care unit) Isbitaalka St Thomas sida uu shaaciyey Xafiiska Ra’iisal wasaaraha UK. Waxaa la sheegay inuu ogaalkiisu joogay, isagoo ka dalbaday xoghayaha arrimaha dibadda Dominic Raab inuu sii wado shaqadiisa.
Mr Raab, also First Secretary of State, is primed to take charge of the government’s coronavirus response, but it is understood he is not a temporary prime minister.
“Xaaladda caafimaad ee Ra’iisal wasaaraha ayaa kasii dartay, waxaana talada dhaqtarka ay noqotay in loo gudbiyo qolka xaaladda degdegga ah ee isbitaalka..” ayaa lagu yiri qoraalka afhayeenka isbitaalka.
Boris Johnson ayaa xalay la dhigay isbitaalka markii 10 maalmood kadib ay xaaladiisa kasoo reyn weyday, kadibna wuxuu hadda galay xaalad degdega.