Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladda madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar, isagoo xalay kulan la qaatay saxaafadda dalka Itoobiya.
Abiy Axmed ayaa sheegay in hubka laga dhigi doono ururrada dhowaan gogosha nabadeed ay dowladda Itoobiya u fidisay islamarkaasna la sameyn dooni Hay’ad arrintasi qaabilsan, Wuxuuna ugu baaqay ururradaasi inay ku dagalamaan qalinka iyo fikradaha ay qabaan oo ay ka tanaasulaan dagaalkii hubeysnaa.
Iyadoo wax laga weydiiyey waxa laga yeelayo mustaqbalka madaxweynihii hore ee Dowlad Degaanka Soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayuu sheegay ra’iisal wasaaraha Itoobiya in arrintiisa ay u taallo sharciga iyo caddaalada dalka Itoobiya.
“Waxaan ka war sugaynaa wixii caddaaladda ay ka tiraahdo iyo waxa uu mudan doono Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiintii dhibaatada gaystay” ayuu yiri Abiy Ahmed oo sidoo kale sheegay in luqadaha maxalliga laga dhigi karo luqadaha ugu waawayn ee Itoobiya looga hadlo sii loo helo jiil afaf badan barta.
Sidoo kale, waxaa wax laga weydiyay ra’iisul wasaaraha, hadal baryahan laisla dhexmarayay oo ahaa inuu xanuunsanday markii uu joogay Mareykanka, wuxuuna ku jawaabay ” Aniga maba ihi dadka isticmaala dawooyinka mana soo gato dawo, waxaan aaminsanahay jimicsi iyo spoorti”
Ugu dambayn, Abiy Axmed wuxuu sheegay in dhibaato ay ka jirto xadadka maamulada dalka Itoobiya islamarkaasna guddi uu hoggaaminaya ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalkaasi uu u xilsaaray ka shaqaynta dejinta xaaladaha ammaanka ee deegannada xadka.