Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shaacyey goobta ay ka dhaceyso Doorashada iyo Gogosha dib u heshiisiinta Galmudug oo ah Caasimadda maamulkaasi ee magaalada Dhuusamareeb.
Isagoo xalay ka hadlayay xafladii xuska maalinta xoriyadda Gobollada Koonfureed iyo midowgii labada gobol ayuu yiri: “Waxaan ugana mahadcelinayaa Sheekh Shakir inuu codsigeyga aqbalay, sidaasi darteed waxaan idiin caddeynayaa in gogoshii dib u heshiisiinta ay taalla magaalada Dhuusamareeb…”.
Wuxuu faray hay’adaha amniga dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug inay degdeg uga howlgalaan magaalada Dhuusamareeb: “Waxaan farayaa hay’adaha Amniga dowladda federaalka inay qabsadaan shaqadooda si loo suurtageliyo gogosha dib u heshiisiinta iyo doorashada, shaqaduna ma ahan isbuuca soo socda ama bisha soo socota ee waa in ay bilaabaan maalinta berrito ah” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre.
Lama oga in arrintan heshiis lagu yahay iyo sida laga yeeli doono magaalada Cadaado oo olole ugu jirtay in lagu qabto doorashada Galmudug.