Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»R/wasaaraha oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay qorshaha sugida amniga baddaha: SAWIRRO

    R/wasaaraha oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay qorshaha sugida amniga baddaha: SAWIRRO

    June 28, 20172 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyey kulanka ay yeesheen guddiga amniga Badaha, kaas oo looga hadlayay arrimo  la xiriira badaha.

    Qodobada la iskugu soo qaaday kulankaan ayaa waxaa ka mid ah in qorshaha sugida amniga badda la hoos geeyo wasaaradda amniga, halkii markii hore hoos imaan jirtay wasaaradda gaashaandhiga.

    Wasiirada ka qeybgalay kulankaan ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Arrimaha Dibedda, Amniga, Maaliyadda, Gaashaandhigga, Kaluumeysiga, Caddaaladda iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka oo dood dheer ka yeeshay qodobadii laga hadlayay.

    Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa faah faahin ka bixiyey qaabka ugu haboon ee loo sugi karo amniga xeebaha dalkeena, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leeyihiin ciidamadda Ilaalada xeebaha oo hadda qorshuhu yahay in la hoos geeyo Wasaaradda Amniga, maadaama ay xiligii hore ay hoostagi jireen Wasaaradda Gaashaandhigga ciidamadani.

    Wasiiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda dawladda Federaalka Soomaaliya C/raxman Maxamed Cabdi Xaashi ayaa dhiniciisa wuxuu sharaxaad ka bixiyay  sida ay ku bilowdeen kuna dhamaadeen shirarkii looga hadlayay wadaagga kheyraadka dalka ee u dhexeeyay Wasaaradda iyo wasaaradaha maamul gobolleedyada, gaar ahaan shir saddex cisho uga socday maamullada iyo Wasaaradda oo arrimahaas looga hadlayay, wuxuna xusay in Wasaaraddu ay joogteyn doonto wada xaajoodka u dhexeya labada dhinac si loo gaaro heshiis loo dhan yahay.

    Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar-daarmay guddiga in la sameeyo qorshe cad oo loo marayo arrimaha badaheena, isla markaana cid waliba oo quseyso arrintani lala fariisto si qodobada ka soo baxaya shirarka u noqdaan kuwa leh aragti fog.

    “Badda Soomaaliya Soomaaliya waxay dhacdaa goob istaraatiiji ah oo muhimad weyn ugu fadhida caalamka gaar ahaan marka laga hadlaayo ganacsiga, gaadiidka badda iyo siyaabo kale, waxaana dadka Soomaaliyeed idinka sugayaan inaad danahooda ka shaqeysaan oo tallaabo walba oo la qaadayo noqoto mid cad oo wax mugdi ah uusan ku jirin, dalkeenana loogana faaiideeyo kheyraadkaas”ayuu yiri R.Wasaare Xasan Cali Kheyre.

    Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Yuusuf Garaad iyo qaar kamid ah Wasiiradda Maamul gobolleeyada qaar ee kulanka goob-joog ka ahaa oo dhamaantood ku dheeraaday muhiimadda uu dalkeena u leeyahay guddigani ka shaqeynaya Badaha Soomaaliya.

    Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDowladda federaalka oo digniin kasoo saartay bariiska caaga ah ee suuqyada lasoo geliyay
    Next Article Amarro lagu soo rogay Dadka soo gelaya magaalada Muqdisho & Tallaabooyin Amni oo la qaaday [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo