Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda SoomaaliyaXasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug kula kulmay madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi waare oo maanta safar ku tegay halkaasi iyo madaxa fulinta dowlad gobaleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Hirshabeelle iyo madaxa fulinta Galmudug ayaa looga hadlay nabadeynta iyo xasilinta colaadaha ka jira deegaannada ku xeeran degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan oo muddooyinkii danbe ay dagaallo beeleed kusoo noqnoqdeen.
Madaxweyne Maxamed Cabdi waare iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan aya ballan qaadeen in dhankooda ay qayb xooggan ka qaadanayaan joojinta colaadaha iyo rabshadaha ka taagan Matabaan si xal waara loo gaaro, loona helo nabad waarta.
Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federalka Soomaaliya ayaa sheegay u sheegay madaxweynaha Hirshabeelle iyo madaxa fulinta Galmudug in dowladdu ay labada dowlad gobaleed ku gacan siineyso dhamaynnta colaadda dhex martay dadka walalaha ah si loo xoojiyo wadajirka bulshada looga baaqsado dhiig dambe oo daata.