Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Ra’iisul Wasaare Kheyre: “Inay dhallinyaro Soomaaliyeed maamulaan hawadeena waa Astaanta soo Celinta Qaranimada”

    Ra’iisul Wasaare Kheyre: “Inay dhallinyaro Soomaaliyeed maamulaan hawadeena waa Astaanta soo Celinta Qaranimada”

    August 8, 20172 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda J.F.S Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay kulan ay soo diyaarisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, oo la tashi lagula yeelanayay Wasaaradaha Gaadiidka ee Maamullada dalka. Waxana muhiimadda kulankani ahaa sidii qorshe mideysan iyo shuruuc hagta loogu sameyn lahaa nidaamka gaadiidka ee dalka, gaar ahaan Shatiyada iyo Taargooyinka.

    Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa ku dheeraday qorshayaasha ballaaran ee horyaal wasaaradda iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo nidaam ay ku wada shaqeeyaan Wasaaradda iyo maamullada dalka. Wuxuna sidoo kale tilmaamay in dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ay xukuumaddu ku guuleystay in gacanta dawladda lagu soo celiyo hawada dalka oo muddo badan ay maamulayeen shariikado shisheeye. Isla markaana dib loo howgeliyey shaqadii garoonka Muqdisho xiliyada habeenkii ah.

    Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa ku ammaanay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, sanado badan ka dib inay helaan dadka Soomaaliyeed habeen iyo maalin fursad ay dalkooda uga dhoofi karaan una imaan karaan, maadaama ay sii kordhayaan baahida ay dadku u qabaan adeegyo habeen iyo maalin shaqeynaya, lana dhameystiri doono wax yaabaha ka dhiman.

    Mudane Khayre ayaa sheegay in soo celinta maamulka hawadeena ay noqoneyso guul weyn iyo tallaabo horey loogu qaadey midnimada dalka iyo madaxbanaanida, balse ay weli baylah tahay baddii Soomaaliya oo ay waardiye ka haystaan Maraakiib shisheeye iyo kaluumeysiga sharci darrada ku haya Soomaaliya, loona baahan in la sameeyo nidaam iyo shuruuc lagu ilaaliyo.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri; “Hawada dalkeena in ay maamulaan dhalinyaro Soomaaliyeed waa astaan kamid ah soo celinta Qaranimada ummada, haddii aad tihiin Wasiiradii dawladda dhexe iyo kuwa maamullada dhamaantiin waxaad matashaan shacabka Soomaaliyeed”.

    “Tallaabo walba oo aad qaadaan waa in ay noqotaa mid ay dani ugu jirto dadka Soomaaliyeed. Waa inaan hankeena kor u qaadnaa oo la tartanaa wadamada kale ee caalamka, sidii hore waan ku daalnay, waa in markaad joogtid gobolkaaga aad ogaatid waxa kaliya ee horumar lagu gaari karo in ay tahay kuligeen inaan oognaa Soomaalinimada”ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaare Khayre.

    Maamulka hawada sare ee Soomaaliya oo dhawaan ku soo wareegay gacanta dawladda. waxaa ilaa iyo dawlad bur-burkii laga maamulayay magaaladda Niarobi ee caasimadda kenya, waxaana gacanta ku haysay hay’adda Caalamiga ee hawada sare u qaabilsan Qaramada midoobay ee ICAO, oo xarunteedu tahay magaaladda Montreal ee dalka Canada.

    SAWIRRO

     a6a5a4a3a2

    Hawada Soomaaliya Kheyre
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXasan Sheekh oo ka hadlay kulankii dhex maray isaga iyo Shariif Sheekh Axmed [Akhriso]
    Next Article Wararkii ugu danbeeyay ee Doorashada Kenya iyo Natiijooyinkii ugu horeeyay oo soo baxaya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo