Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Rajada Soomaaliya ee ku-biirista Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Arrin laga digay

    Rajada Soomaaliya ee ku-biirista Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Arrin laga digay

    July 22, 2022Updated:July 23, 20222 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qaab marti gaar ah uga qayb-gelay Shir Shir-Madaxeedka dalalka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay martigelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa u gudbiyey codsi rasmi ah oo ay Soomaaliya ku dooneyso inay ka mid noqoto ururkan.

    Madaxweynaha ayaa hadal ka jeediyey kulanma Madaxda EAC ayaa sheegay hawlkarnimada iyo firfircoonida ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo fursadaha dhaqaale ee dalkeenna, gaar ahaan khayraadka ceegaaga sida macdanta, xoolaha iyo beeraha, kuwaasi oo Soomaaliya ka dhigaya mid ka mid ah dalalka ugu mustaqbalka fiican Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

    “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta arko calankii Soomaaliyeed oo ka dhinac babbanaya calamada dalalkiinna, waxaanna rajaynayaa in uu sidaas ahaado sanaddada soo socda. Soomaaliya waa dal aad hodan u ah. Waxa aannu leennahay khayraad macdan, xoolo iyo kuwo beero. Intaas waxa ka muhiimsan in aannu leennahay bulsho firfircoon oo ganacsiga ku fiican.”

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa si toos ah ugu sheegay madaxda dalalka EAC, kuna yiri: “Mustaqbalka waddamadani waa uu isku xiran yahay, Soomaaliyana ma doonayso in ay culays idinku ahaato. Taas beddelkeeda, waxa aannu rabnaa in aan noqonno dal waxtar leh oo wax ku soo kordhiya dalalkan muhiimka ah. Sidaasi awgeed, aniga oo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed, waxa aan hortiinna ku soo gudbinayaa codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid-noqoshadeenna dalladdan.”

    Haddii dalalka EAC ay aqbalaan inay Soomaaliya ka mid noqoto ururkan waxay qaadan doontaa muddo sanad ilaa laba sano ah, waxayna dadka Soomaaliyeed ka heli doonaan faa’iidooyin ay ka mid yihiin inay fiiso la’aan ku tagaan dalalkaasi, isla markaana ganacsiga Soomaalida uu gaaro magaalo kasta oo ka mida dalalka Kenya, Tanzania, Uganda, Burundi, Rwanda, South Sudan iyo DR Congo, iyadoo aan canshuur badanala saari karin.

    Arrinta laga digay ayaa in shaqaale badan oo dalalkaasi ka socda ay yimaadaan Soomaaliya, sida Kenyaanka oo horeba ciriiri ugu hayey Soomaalida u shaqeysa Hay’adaha caalamiga ah, Hoteellada, waxbarashada iyo shaqooyinka kale, iyado Soomaaliya ay shaqo la’aantu mareyso heerkii ugu sareeyay dalalkaasi oo dhan.

    Shuruudihii Soomaaliya lagu xiri jiray si ay uga mid noqoto Bulshada Bariga Afrika EAC sida u dhigan ururkaasi ee dowlad wanaagga, Dimoqraadiyadda, ku dhaqanka sharciga iyo arrimo kale ayaa noqon waayey ku horjoogsan kara dalabka Soomaalida, markii ay madaxda dalalkaasi aqbaleen inay ururka ku biiraan dalalka South Sudan iyo Congo Dr.

    EAC Somalia Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAlshabaab oo soo bandhigay Qasaaraha Weerarkii ay ku qaadeen Yeed iyo Caato (Sawirro)
    Next Article Alshabaab oo lagula dagaalamayo Gudaha Degaanka Soomaalida Itoobiya iyo ONLF War kasoo saartay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo