Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Rakaab laga dejiyey Diyaarad laga shakiyey oo ku sii jeeday Baydhaba & Baaritaan culus..

    Rakaab laga dejiyey Diyaarad laga shakiyey oo ku sii jeeday Baydhaba & Baaritaan culus..

    July 31, 2019Updated:August 1, 20192 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Diyaarad ku sii jeeday magaalada magaalada Baydhaba oo ka duuli rabtay Garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa la hakiyey xillig ay duuli lahayd, waxaana laga dejiyay rakaabkii saarnaa kadib markii uu shaki dhinaca Amniga ah soo galay.

    Arrintan ayaa ka danbeysay markii uu diyaaradda ka degay qof shakigan abuuray, taasoo dhalisay in diyaaradda la celiyo, kadibna laga dejiyo dadkii iyo xamuulkii saarnaa oo dhan oo baaritaan hor leh oo culus lagu sameeyay, iyadoo kadibna duulimaadkeedii loo fasaxay.

    Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somalia Yuusuf Garaad Cumar oo ka mid ahaa rakaabkii diyaaradaasi oo arrintan qabsatay ayaa qoraal kooban ku faahfaahiyey sida ay wax u dhaceen:

    HOOS KA AKHRISO

    Maanta aniga oo ka duuli raba garoonka dayaaradaha ee Muqdisho ayaa shaki ku abuurmay rakaabka aan dayaaradda wada raaci lahayn, muranna ka dhex dhalisay. Markii aan dayaaradda gudaheeda fariisannay ayaa qof ka mid ah rakaabku uu goostay in uu dayaaradda ka haro. Waxay taasi kalliftay in nala daahiyo, mas’uuliyiinta amniga ee Garoonka Aden Cabdulle ay goobaan, dejiyaanna qofkii haray shandaddiisa. Intaa laguma joojin ee waxaa la dejiyay dhammaan shandadaha dayaaradda hore loogu raray iyo dhammaan inteennii rakaabka ahayd iyo waliba shaqaalaha dayaaradda Waxaa la keenay laba eey oo kala nooc ah, kala dambeeyana oo midba mar uu baaray xamuulka oo dhan, boorsooyinka gacanta iyo gudaha dayaaradda. Markaa ka dib ayaan fasax u helnay in aan dayaaradda gudaheeda galno oo qof waliba uu kursigiisa dib ugu laabto. Waxaan ugu hambalyeynayaa dhammaan madaxda iyo hawlwadeennada amniga ee gegida dayaaradaha feejignaanta iyo go’aan qaadashada iyo waliba sida ay noogu fasireen iyaga oo cudur daar bixinaya in la hakiyay dayaaradda mar labaadna la baaray.

    Diyaarad Garoonka aadan Cadde Garoonka Muqdisho Muqdisho Top Yuusuf Garaad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxay ka wadahadleen Safiirka Kenya ee Somalia iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda?
    Next Article Nin Ingiriis ah oo Maxkamad loogu soo taagay Muqdisho, khalkhal gelinta Amniga… [Daawo]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo