Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Rasaas ka socota Magaalada Baqdaad iyo Muqtada Sadar oo War lama filaan ah ku dhawaaqay

    Rasaas ka socota Magaalada Baqdaad iyo Muqtada Sadar oo War lama filaan ah ku dhawaaqay

    August 29, 2022Updated:August 29, 20222 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Isbeddello xoog leh ayaa ka dhacaya dalka Ciraaq kadib, markii hoggaamiyaha Koox ka mida Shiicada dalkaasi ee Muqtada Al-Sadr uu maanta uu ku dhawaaqay war lama filaan ah oo ah inuu gebi ahaan ka fariistay arrimaha siyaasadda.

    Arrintan ayaa timid iyadoo taageerayaasha Muqtada Sadr ay xoog ku galeen Xarunta Madaxtooydada iyo Qasriga xukumadda dalkaasi, waxaana markii danbe xoog uga saaray ciidamada dowladda oo bandow dhammaan gobollada dalkaasi.

    Ciidamada Ciraaq ayaa kala eryay taageerayaasha dhaqdhaqaaqa Sadart, waxaana rasaas xoog leh laga maqlay aagga cagaaran ee magaalada Baqdaad oo ay ku yaallaan dhismeyaasha dowladda dalkaasi.

    Sidoo kale ciidamada amniga Ciraaq waxay xireen buundooyinka Al-Jumhuriya iyo Al-Sinak ee bartamaha magaalada Baqdaad iyo wadada hormarta dhismaha TV-ga dowladda.
    Taliska hawlgallada wadajirka ah ee ciidamada Ciraaq ayaa ugu baaqay dadka Ciraaq inay la a shaqeeyaan ciidamada ammaanka, una hoggaansamaan bandowga.

    Ra’iisul wasaaraha Ciraaq, Mustafa Al-Kazemi ayaa amray in la hakiyo fadhiyada golaha wasiirada ilaa amar dambe sababo la xiriira dibad-baxayaasha oo galay xarunta golaha, wuxuuna ku dhawaaqay xaalad feejignaan ah oo u sareysa Baqdaad dhammaan ciidamada ammaanka.

    Bayaan uu soo saaray Al-Kazemi ayaa ugu baaqay dibad baxayaasha in ay si deg deg ah uga baxaan Aagga Cagaaran ayna u hoggaansamaan awaamiirta ciidamada ammaanka, Muqtada Al-Sadr ayaa ku baaqay in gacan laga geysto sidii uu ugu baaqi lahaa dibadbaxayaasha in ay isaga baxaan xarumaha dowladda.

    Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Baqdaad ayaa sheegaya in weli la maqlayo rasaas goosgoos ah oo ka dhaceysa Aagga cagaaran, waxaana weli kacsan xaaladda dalka Ciraaq, iyadoo bandowga uu bilowday.

    In ka badan 10 qof ayaa ku dhintay shaqaaqooyinka ka socda magaalada Baqdaad, iyadoo 200 kale ay ku dhaawacmeen, waxaana baaqyo kala duwan soo saaray Mareykanka iyo dalal kale si loo qaboojiyo xaaladda.

    Baqdad Iraq Iraq Unrest Muqtada Sadr
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleTaliyaha cusub ee Ciidamada Mareykanka ee Afrika oo Muqdisho yimid, lana kulmay..
    Next Article Wasiir Roobow oo shaaciyey Dib u furista Mac-had lagu barto Diinta Islaamka

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo