Qaraxyo iyo rasaas culus ayaa ka socota Hotelka Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho oo maanta lala beegsaday qaraxyo, isla markaana ay gudaha u galeenn dabley ka tirsan Alshabaab.
Daqiiqado kadib waxaa la maqlayaa juga qaraxyada Bam gacmeedyada iyo rasaas goosgoos ah oo ka dhacaya gudaha Naasahablood 2,. waxaana hotelka ka socda howlgal ay wadaan ciidamada gaarka ah ee amniga, kuwaasoo la sheegay inay ilaa iyo hadda toogteen laba ka mida dableyda, isla markaana uu mid kale ku harsan yahay.
Dhinaca kale ciidamada ayaa Hotelka kasoo badbaadiyey dad isugu jira mas’uuliyiin iyo siyaasiin oo hotelka ku xayirnaa, waxaana weli socda howlgalka, Waxaana goobta gaaray mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banadir iyo dowladda Federaalka.
Qasaaraha dhimashada ayaa hadda gaaray in ka badan 17 qof oo dhimasho ah iyo dhaawac ka badan 30 kale.
Wadani