Wararka laga helayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in saaka aroortii rasaas culus laga maqlay hotelka iyo dhismaha Dusit oo shalay galab ay weerar ku qaadeen koox ka tirsan Alshabaab.
Ciidammada Kenya ayaa weli saaka isku dayaya inay soo gebagabeeyaan weerrarka Alshabaab, waxaana la xaqiijiyey in afar dabley ah ay gudaha u galeen Hotelka, maalintii labaad ayuu galay weerarka, inkastoo xoghayaha arrimaha gudaha Kenya uu xalay xilli danbe sheegay in la soo afjaray weerarka.
174 xildhibaan ayaa la sheegay in laga soo badbaadiyey Hotelka iyo dhismaha la weerarray, waxaana dadka lasoo badbadiyey ay sheegeen inay ku dhuumanayeen qeybo kala duwan oo ka mida hotelka, iyadoo ku hoos jiray miisaska hoostooda iyo meel ciriiri ah.
Ururka Islaamiga ah ee Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama ayaa sheegtay inuu ka dambeeyay weerrarka. waxaana la sheegay in qasaaraha uu gaarayo 5 qof aoo dhimasho ah iyo dhaawac fara badan.