Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Roobabkii Muqdisho oo soo shaac bixiyey Saddex Su’aalood oo Shacabka Muqdisho is-weydiinayaan [Akhriso]

    Roobabkii Muqdisho oo soo shaac bixiyey Saddex Su’aalood oo Shacabka Muqdisho is-weydiinayaan [Akhriso]

    May 20, 20183 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kadib roob ku dhowaad muddo 10 saacadood ah maanta iyo xalay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa waxaa baraha bulshada buuxiyey muuqaallo ku saabsan jidad iyo guryo ay  Daadadku qaadeen, Biyo meel kasta fadhiya iyo dood waxqabad la’aanta maamulka G/banaadir.Dadka Muqdisho ayaa si weyn uga doodaya sababta roob kasta oo magaalada ka da’a uu dhibaato isu bedelo iyo dhibaatadda ka taagan han dhiska magaalada oo aan lahayn nidaam qashin iyo daadka ka saara, laguna guuleysan in la sameeyo muddo dheer oo maamullo badan ay isaga dambeeyeen.

    MUQDISHO: MAGAALADA UGU CANSHUUR BIXINTA BADAN

    Dooda ugu weyni waxay ku foorartaa dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir oo inay lacag ka gurtaan maahee aan waxbka ugu qaban dib u dhiska magaalada, wadooyinka sida degdegta lagu dhisay waxaa dhisay Turkiga iyo ganacsatada Muqdisho, waxaana aad u yar kaalinta uu ka qaatay maamulka G/Banadir.

    Magaalo 42 Milyan oo Doolar sadddex bilood o qura canshuur ahaan u soo gelisay dowladda Federaalka, magaalo madaxda dalka oo dadkeeda ay yihiin kuwa ugu canshuur bixinta badan waxay saacado kooban oo Roob ka da’ay isugu bedeshay lama galaan aan la isaga socon karin, ayna ku dhinteen dad iyadoo qaar kale ay ku xayirmeen.

    MUQDISHO: MAAMUL MAQAARSAAR AH

    Muqdisho waxaa mar waliba ka taliya maamullo maqaarsaar ah oo halkii horumarin iyo qorshe magaalo laga sugayey ku mashquula inay shilimaad ka gurtaan xilliga kooban ee  ay xilka hayaan, waana isla magaaladii ku dhawaaqday inay 100 kun Doolar ugu deeqeyso magaalada Beledweyne, tiiyoo aan maareyn karin bullaacadaha caasimadda.

    Lacagta canshuur ahaanta looga qaado Muqdisho waxay aadaa in mushaar lagu siiyo kumanaan shaqaale ah iyo in lagu iibsado Baabuur aanay rasaastu karin oo ay u dheer tahay in lagu qabto xaflado aan dhammaad lahayn, halkii lagu hagaajin lahaa hab-dhiska magaalada.

    Ma jiro maamul qorshe ama diyaargarow u galay in magaalada sidan loo dhaamo, loona diyaar gareeyo qaab ay ku maareyn karto roobka, dibna loogu habeyn karo bullaacadaha magaalada ee intii hore jirtay ay howl gabtay, kuwo kalena aan marna la isku soo qaadin.

    Maamul awoodi waayay inuu dib u habeyn ku sameeyo hal War ama Goob biyo fariisi oo magaalada ka mida, wax macne ah soo kordhin maayo haddii uu isku sawirro roobka dhexdiisa, iskana dhigo inuu gurmad wado.

    MUQDISHO: DHISME & BURBUR WADA SOCDA

    Waxaa la yaab leh in wadooyin lacag badan lagu qaatay dhismahooda ay roobabku hore u qaataan, iyadoo aan waxna la iska weydiin, haddana berri la bilaabo dib u dhiskooda, waana xaalado caadi ka noqday caasimadda sida ka dhacday Wadadda Dabka iyo Bakaaraha iyo Jen. Daa’uud.

    Muuqaalka Muqdisho ee xilliyada roobka wuxuu caddeyn u yahay magaalo laga shaqeysto oo ay caddow u heshiiyeen ee aan marna loo shaqeyn, dadkeeduna mar waliba u taagan yihiin inay iska eegtaan xaaladda aan ka soo reyneynin.

    G/Banaadir Muqdisho Roob
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo Jawaab Cad ka bixiyey War kasoo yeeray Wasiirka A/Dibadda Kenya
    Next Article Ciidamada Qaranka oo la Amray inay ka qeyb galaan Gurmadka Dadka Muqdisho ku waxyeeloobay Roobabka [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo