Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Rooble: “Dastuurka ayaa u xilsaaraya Xukuumadda wada-hadalka la xiriira Ganacsiga, cahdiyada..” Jawaab Culus

    Rooble: “Dastuurka ayaa u xilsaaraya Xukuumadda wada-hadalka la xiriira Ganacsiga, cahdiyada..” Jawaab Culus

    August 8, 2021Updated:August 8, 20214 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal dheer oo lagu faahfaahiyey awoodda Ra’iial wasaaraha ee Dastuurku siinayo xilliga kala guurka ah.

    Qoraalka oo cinwaan looga dhigay: “War Murtiyeed Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka Ra’isul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble” ayaa Jawaab u ahaa Wareegto xalay kasoo baxay Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday oo xukuumadda looga xayiray inay wax heshiisyo gasho.

    Nuxurka Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u qornaa “Dastuurka Qaran ayaa u xilsaaraya Xukuumadda Federaalka ah wada-xaajoodyada la xiriira Kaalmada Dibadda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee laxiriira hishiisyada caalamiga ah”

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA RA’IISAL WASAARAHA

    Sida ay lawada socdaan bulshada Soomaaliyeed, Dalku waxa uu ku jiraa marxalad adag oo dhammaan hay’adaha Dastuuriga ah uu ka dhamaaday muddo-xileedkoodii caadiga ah loona baahanyahay in si xilkasnimo leh looga gudbiyo dalka marxaladan kala guurka ah.

    Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Xukuumaddiisu waxa ay xilka fulinta ee Dalka la wareegtay xilli aad u adkaa oo Soomaaliya ay wajahaysay xiisado gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo keenay in lagu sigto in dalku uu ku noqdo burbur iyo colaado sokeeye.

    Ra’iisul Wasaarahu isaga oo maanka ku haya mas’uuliyadda Qaran ee saaran waxa uu dadaal wayn ku bixiyay sidii dalka looga badbaadin lahaa marxaladaas adag, wuxuuna u hawlgalay sidii loo dajinlahaa Xiisadaha Gudaha iyo kuwa dibadda, iyadoo la ilaalinayo danaha Shacabka Soomaaliyeed.

    Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiiradu waxeey ku guulaysteen toban bilood ka dib in uu muuqdo isbadal wayn oo ku yimid muuqaalka qaranka ee gudaha iyo dibadda, taas oo keentay in maanta dalka ay ka bilawdeen Doorashooyin nabdoon oo dhinacyadii kala fogaaday wada aqbalsanyihin, isla markaana si tartiib tartiib ah uu usoo noqonayo Cilaaqaadka dublamaasiyadeed ee ay Soomaaliya la leedahay dalalka dariska ah, Ururada iyo Dawladaha kale ee danuhu inagala dhaxeeyaan.

    Tilaabooyinka xalinta mushkuladda gudaha ee uu qaaday Ra’iisul wasaaruhu waxaa ka mid ah hagaajinta wadashaqaynta Dawladda dhexe iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, furista masraxa siyaasadda, si Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee leh hanka loogu diyaariyo jawi xasiloon oo ay aamini karaan, dhisidda kalsoonida Bulshada ee hanaanka Doorashooyinka iyo wadashaqaynta saaxiibada beesha Caalamka ee na garab taagan.

    Si la mid ah arrimaha Diblomaasiyadda. Ra’iisul Wasaaraha isaga oo garawsan in aanay Soomaaliya wax dan ahi ugu jirin in uu xumaado xiriirka ay la leedahay dariskeeda iyo dunida inteeda kale, wuxuu dedaal ku bixiyay in Soomaaliya ay cilaaqaaad ku dhisan simanaan la yeelato dalalka muhiimka u ah, isagoo socdaal ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, sidaas oo kale wuxuu wadahadallo la bilaabay dalka Kenya iyo qaar ka mid ah wadamada Carabta kuwaas oo uu inagala dhaxeeyaan xiriirro dibliomaasiyadeed, amni, ganacsi, waxbarasho, ama marti galiya qaxooti iyo dad Soomaaliyeed oo deganaansho ku leh kuwaas oo ay mas’uuliyad ka saarantahay Dawladda Soomaaliya.

    Waxaa xusid mudan in wada xaajoodyada lagu hagajinayo xiriirka dibadeed ee Soomaaliya ay yihiin kuwa dhawraya Madax banaanida iyo Siyaadda Qaranka Soomaaliyeed oo waajib dastuuri ah uu ka saaranyahay Ra,iisul Wasaaraha iyo Xukuumddiisa, dhanka kalana xeerinaya Danaha Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo dhimista nooc kasta oo ah nacayb iyo colaad laga maarmi karo.

    Dedaalada kor ku xusan waxa ay marayaan meel wanaagsan oo u baahan in horay loosii wado iyada oo yoolku uu yahay in R/Wasaaruhu gaarsiiyo kuna wareejiya Xukuumadda dhalan doonto, Soomaaliya xasilooni ,nabad ah oo xiriir wanaagsan la leh dariskeeda iyo dunida inteeda kale.

    Hadaba, iyada oo ay socdaan shaqooyinkaas wanaagsan ayay soo muuqatay baahida loo qabo jihaynta qaabka xil gudasho ee hay’adaha Dawladda marxaladda soo socota, sidaas awgeed, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah oo cuskanaya Qodobka 97-aad faqradiisa 1-aad ee Dastuurka KMG ah, awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman, waana hay’adda ugu sarreyso fulinta maamulka dalka.

    Xukuumaddu waxa ay sidoo kale mas’uuliyad ka saaran tahay Dhaqangelinta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka, ilaalinta danaha dalka iyo Dadka Soomaaliya, sidaas la mid ah Dastuurka Qaran ayaa u xilsaaraya Xukuumadda Federaalka ah wada-xaajoodyada la xiriira Kaalmada Dibadda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee laxiriira hishiisyada caalamiga ah.

    Sida ku cad Qodobka 103 ee Dastuurka Jamhuuriyadda, inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul- Wasaaraha xilka haya iyo golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah taas oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada u fasaxaysa in ay si caadi ah u fuliyaan waajibadka Qaran ee Dastuurku saaray isla markaana Meesha ka saaraysa in wax hakad ah ku yimaado shaqooyinka Dawladda.

    Hadaba, iyada oo laga ambaqaadayo Qodobada Dastuuriga ah ee kor ku xusan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu farayaa dhamaan hay’adaha Dawladda in ay si caadi ah u gutaan Waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Dastuurka KMG ah, joogteeyaanna adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee Qaranka, iyagoo xusuusan isla markaana dhawraya go’aamadii uu horay usoo saaray Ra’isul Wasaaraha.

    Doorashada Farmaajo Jawaab Farmaajo Maxamed Xuseen Rooble Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleC/casiis Laftagareen oo xilalkii ka qaaday Wasiiradii Cadaaladda iyo warfaafinta (Magacaabis cusub)
    Next Article War-murtiyeed 10 Qodob ka kooban oo ay ku heshiiyeen Dowladaha Somaliya iyo Kenya (Akhriso)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo