Ra’iisal wasaaraha xukuumada xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu ka xun yahay wixii shalay iyo xalay dhacay, isla markaana uu dareemayo welwelka ay qabaan dadka caasimadda.
Isagoo kulan la yeeshay xubno ka socday bulshada rayidka ayaa sheegay inuu ku baaqayo Xabbad joojin, isagoo sheegay in dowladda ay diyaar u tahay inay kala shaqeyso dhammaan inta nabadda jecel in xaaladda la xakameeyo oo laga baaqsado colaad iyo burbur ku yimaado dowladnimada.
Wuxuu shir ugu baaqay qeybaha bulshada oo ay ku jiraan siyaasiyiinta, wuxuuna sheegay in xukuumadda ay ka shaqeyneyso inuusan soo laaban dhibkii dhacay, bulshada rayidka ahna kala shaqeeyaan nabadda.
Waa markii labaad ee Maxamed Xuseen Rooble uu ka hadlo xaaladda kacsan ee Muqdisho, kadib dagaallo iyo iska hor imaad ku dhex maray ciidamo u daacad ah madaxweynaha xilka ka dhammaaday iyo ciidamo ka horjeeda muddo kororsiga uu sameeyay.
