Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shir isugu yeeray Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.
Shirkan ayaa magaalada Muqdisho ka dhici doona 27-ka bishan December, 2021, iyadoo looga arrinsanayo dardar gelinta geeddi socodka, toosinta iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka oo caqabado badan ay hareeyeen.
Shirkan oo ay dalbadeen Midowga Musharixiinta ayaa in muddo ah dadaal loogu jiray inuu qabsoomo, waxaana diidanaa mid ka mida madaxweynayaasha Maamul Goboleeyada oo markii danbe la ogoleysiiyay.
Wararka aya sheegaya in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu ka hor yimid qabashada shirkan, kuna adkeystay in doorashadau sii socoto, balse wadahadallo kadib uu ogolaaday.
