Soomaaliya 4 sano kadib oo uu madaxweyne ka ahaa Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo 11 maalmood oo uu Villa Somalia ku joogay Madaxweyne xilka ka dhammaaday, wuxuu maanta kadib 20 Febraayo 2021 qaatay muuqaal cusub oo magac bixintiisa lagu kala duwan yahay.
Dhacdooyinkii iska hor imaadyada iyo rasaaseynta bannaanbaxyada isugu jiray ee Muqdisho ka dhacay 19-kii Febraayo waxay xaaladda Soomaaliya geliyaan qalalaase siyaasadeed iyo mid amni ah, iyadoo dunidoo dha ay ku baaqeyso in xaaladda la qaboojiyo, madaxda Soomaalidana laga baryayo inay danaha dantooda eegaan oo joojiyaan gacan-ka-hadalka.
Saddexda xaqiiqo ee 19 Febraayo kadib soo shaac baxay waxay kala yihiin:
1- In dalku halis ugu jiro inuu ku laabto qalalaase iyo dagaallo sokeeye, taasoo ah natiijadii ka dhalatay hab-dhaqankiii siyaasadeed ee Farmaajo iyo damaciisa inuu kursiga iska sii joogo wax kastoo ay ku qaadato.
2- In Farmaajo ay ka aamin baxeen siyaasiyiintii khilaafka kala dhaxeeyay, ayna meesha ka baxday niyad-samidii yareyd ee loo hayay oo ahayd inuu aqbali doono qabashada wdar ogol ah, taasoo ka dhigan in hadda loo baahan doono meel dhexdhexaad ah iyo cid dhexdhexaad ah oo madaxda Soomaalida kala dhex gasha.
2- Iyo inay Hay’adihii dowladeed ee Soomaalida awoodi waayeen xalinta khilaafka dhexdooda, xalka kaliya ee la sugayana uu noqday inay beesha caalamka soo farageliso oo sidaas xal lagu gaaro, haddiiba suuragasho.
Sababta ay beesha caalamka xoogga u saarayaan in la fuliyo doorasho loo dhan yahay iyo heshiiskii 17-ka September ayaa ah inuusan jirin jid kale oo xaaladda halista ah ee jirta looga bixi karo, laakiin waxaa nasiib darro ah inay sii fogaatay is aamin la’aanta siyaasiyiinta iyo maamul Goboleedyada qaarkood, markii ay caddaatay in Farmaajo diyaar u yahay oo kaliya Doorasho uu ogyahay inuu isagu kusoo baxayo.
Warbixin: Wadani