Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Tuesday, July 1
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»RUMEYSO AMA HA-RUMEYSAN: Sacuudiga oo Xog Cusub ka faafiyey Qaabkii loo dilay Jamal Kashoqgi [Akhriso]

    RUMEYSO AMA HA-RUMEYSAN: Sacuudiga oo Xog Cusub ka faafiyey Qaabkii loo dilay Jamal Kashoqgi [Akhriso]

    October 21, 2018Updated:October 21, 20182 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wakaalada wararka Sacuudiga ayaa faafisay war uu siiyay mas’uul ka tirsan dowladda Sacuuudiga oo ku saabsan sidii ay wax u dhaceen kiiska dilka Saxafga Jamal Kashoqgi, iyadoo Sacuudigu hadda dhisay qiso yaab leh oo ku saabsan kiiska.

    Wararka aya faafineyso Reuters ayaa soo xigtay xogtan cusub, iyadoo xogtaha ugu muhiimsan ay ku saabsan yihiin sida loo diyaariyey kooxda Sacuudiga ah ee magaalada Istanbuul tagtay, taasoo mas’uul ka ahaa dilka Saxafiga.

    Warbixinta iyo xogta laga soo xigtay mas’uulkan ayaan ku soo koobnay sida soo socota:

    Ku-xigeenka Madaxa Sirdoonka Sacuudiga Axmed Casiiri ayaa diyaariyey koox ka kooban  15 sirdoonka iyo amniga ah oo la kulanta Saxafiga Jamal Kashoqgi, si ay ugu qanciyaan inuu ku laabto Sacuudiga.

    La-taliyaha Dhaxal -sugaha Sucuud Alqaxdani ayuu Casiiri ka dalbaday inuu kooxda tegeysa Istanbuul ku daro qof ay is yaqaanaan Jamal Kashoqgi, (Waxaana sida muuqata inuu yahay Maahir C/casiis Almudrib –Warkan Akhriso).

    Kooxda markii ay xarunta Qunsuliyadda Sacuudiga kula kulantay Jamal Kashoqgi, inuu Maahir ugu hanjabay Saxafiga inuu sumeyn doono oo la qafaali doono, kadibna waxaan dhex maray dood keentay inuu qeyliyo Jamal, taasoo keentay inay afka ka xiraan, sidaasina uu ku dhintay.

    Qorshaha wuxuu ahaa in Jamal Kashoqgi in la geeyo Guri ku yaalla duleedka Istanbuul, marka uu diido inuu ku laabto Sacuudiga, lana sii daayo markii danbe, balse si khaldan xaaladu u dhacday.

    Nin u eg Jamal oo lagu magacaabo Mustafa Madani ayaa ku lebistay dharkii Jamal Kashoqgi, isagoo ka baxay albaabka danbe ee Qunsuliyadda si loogu maleeiyo Jamal.

    Qof Turki ah ayaa loo dhiibay Meydka Jamal Kashoqgi si uu uga takhaluso.

    Kooxda falkan fulisay waxay diyaariyeen warbixin been ah oo ah inuu Jamal Kashoqgi ka tegay xarunta Qunsuliyadda Istanbul.

    Kooxda waxay sheegteen inay degdeg uga tageen Turkiga markii ay fasaxeen Jamal Kashoqgi.

    15-ka qof ee ka danbeeyay kiiska dilka Jamal Kashoqgi iyo saddex qof oo kale waxaa lagu xiray Sacuudiga, iyadoo uu baaritaan ku socdo.

    Qisada uu Sacuudiga ka diyaariyey qaabka uu u dhacay dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi ayaa ujeedkeedu yahay in lagu muujiyo in madaxda sare ee Sacuudiga aysan ka war heynin ama been loo sheegay iyadoo arrintan laga wareejinayo tuhunka saaran dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

    Warkan oo Sacuudigu u dusiyey wakaalada wararka ee Reuters ayaa ka hor imaanaya wararkii hore ee Turkigu shaaciyey, waxaana ka muuqda inaysan ahayn mid la rumeysan karo iyadoo ay ka muuqato inaysan suuragal ahayn in la rumeysto qaabka Sacuudiga u dhigay.

    Istanbul Jamal Kashoqgi Sacuudiga Saudi Top Turkey
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAfar ka mida Madaxda Maamul Goboleedyada oo Beesha Caalamka ka codsaday Faragelin [Akhriso]
    Next Article SAWIRRO: Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada oo ka furmay Magaalada Garowe

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo