Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Roole ayaa amar culus kasoo saaray, isagoo faray Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle inuusan bixin karin wax Kharash ah.
Warqadda RW Rooble ayaa si toos ah ugu socotay Wasir Beyle oo ka mida saaxiibada Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo, waxaana lagu amray inuusan bixin karin wax kharash ah oo aanu ogolaan Ra’iisal wasaaraha xukuumadda.
Arrintan ayaa ka mida loolanka awoodda u dhaxeeya Maxamed C/llaahi Farmajo iyo Maxamed Xuseen Rooble, kaasoo aan weli heshiis laga gaarin.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA ROOBLE
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Tixraac:XRW418/09/2021 Date: 9/09/2021
Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS
Og: Xişaabiyaha Guud
Og: Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS
Og: Wasiirudowlada Wasaaradda Maaliyadda XFS
Og: Guddoomiyaha Bankiga Dhexe
Og: Hanti-dhorwaha Qaranka
Ujeeddo: Hubinta Kharash-bixinta iyo Isticmaalka Lacagta Hay’adda IMF ee Qoondada DFS.
Iyada oo laga ambaqaadayo marxaladda kala-guurka ee dalku marayo iyo baahida loo qabo in taxaddar dheeraad ah loo yeesho hannaanka kharash-bixinta DFS iyo isticmaalka qoondada lacagta hay’adda IMF ee loo yaqaan SRDs, Ra’iisul Wasaaraha XFS wuxuu farayaa Wasaaradda Maaliyadda ee ay warqaddani sida tooska ah ugu socoto:
1. In aan la bixin karin wax kharash, noocii doono ha ahaadee, ilaa oggolaansho laga helo RW XFS.
2. Mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeegga dowladda, waa in marka ay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyaddu waajibaadkooda shaqo ka gutaan, oggolaansho ka helaan RW XFS inta aan la bixin wax lacag ah.
3. Wax lacag ah lagama soo qaadi karo qoondada DFS ee lacagta hay’adda IMF ee loo yaqaan SDRs iyada oo aan oggolaansho laga helin RW XFS.
4. Ma jirto wax kale oo iska beddelay shaqada hay’adaha dowladda ee warqaddani ku socoto. Mas’uuliyiinta warqaddan ku leh ogeysiiska, waxaa iyagana la farayaa in ay arrinkan sidiisa ugu dhaqmaan.
Amarkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo RW XFS, waxaanu socon doonaa ilaa inta laga gudbayo xaaladda kala guurka ee dalku kujiro.
Warqaddaani waxay beddelaysaa warqaddii tixraaceedu ahaa XRW/0449/07/2020, kuna taariikaysnayd 15/11/2020.”