Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 13
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»RW Rooble oo difaacay Habraacii khilaafka dhaliyey ee Golaha Shacabka iyo Ballanqaad uu bixiyey

    RW Rooble oo difaacay Habraacii khilaafka dhaliyey ee Golaha Shacabka iyo Ballanqaad uu bixiyey

    August 31, 2021Updated:September 1, 20212 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal FIET, Heer Dowlad Goboleed SIET Iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka, isagoo faahfaahin ka siiyey habraacyada Doorashada.

    Rooble ayaa caddeeyay sida ay ku dhaceyso Qaabka soo xulista ergooyinka, kaalinta Odayaasha Dhaqanka, awoodaha Guddiyada doorashada iyo wadashaqeyntooda, isagoo lama taabtaan ka dhigay qoondada haweenka.

    Wuxuu sheegay in Habraacii Doorashada Golaha Shacabka ee soo baxay 24 Ogost 2021 in lagu saxay cidda soo xuleyso ergada oo la is weydiiyay cidda hubineysa markii loo baahday in la ogaado cidda hubineysa.

    “Waxaa la isku raacay in dowlad Goboleedka iyo Rooble laga saaro hubinta oo loo dhiibo Guddiga Heer Dowlad Goboleed oo SEIT-ka ah..” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble oo sidoo kale ka hadlay inuu soo faragelinayo wixii khilaaf ah oo yimaada.

    “Waxaa laga yaabaa inaysan shacabku famhmin oo ay ku wareereen.. Beesha waxaa laga yaabaa tusaale ahaan inay leedahay 3 kursi. Kursiga waxaa dooranaya 101 oo beeshaasi ah.. Yaa soo xulaya..? waxaa soo xulaya Duubabka, odayaasha dhaqanka iyo ururadda bulsahda rayidka ee beeshaas, waxaana hubinaya waa SEIT-ka-Guddiga Doorashada heer Dowlad Goboleed” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Rooble.

    Isagoo ka dhalayey habraaca khilaafka ka dhashay ayuu sheegay in la casriyeeyay Doorashada oo hoos loo daadejiyey. “Awal hal oday ayaa mas’uuul ka ahaa soo xulista ergada, laakiin hadda odayga wuxuu toos u hoos tegayaa beeshiisa.. cid ku faragelineysa ma jirto, iyagaa soo xulanaya ergadooda” ayuu yiri Rooble.

    Wuxuu qeexay cidda loola jeedo Bulshada rayidka oo sida uu sheegay kala ah: Mid ka mida culimaa’udiinka, mid ka mida, haweenka, iyo Dhalinyarada Isboortiska, xaq ayey u leeyihiin inay ka mid noqdaan dadka soo xulaya.. laakiin ogaada mar kasta xusuusta qoondada haweenka waa lama taabtaan”

    “Waxaa la kulmay dhammaan dadka ay quseyso. Musharixiinta waxay ii soo gudbiyeen cabasho sida in la caddeeyo cidda ay yihiin odayaasha dhaqanka.. Doorashada Golaha Shacabka waa xasaasi inay u dhacdo si xaq iyo xalaal ah.. tuhunka kale ee ay keentay ee ah in musharaxa iyo ergada waa inay maraan CID.. waa waajib in la baaraan, mana noqon karto isbaaro caqabad loogu dhigto, isha ayaan ku heynayaa..” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.

    Arrinta Somaliland ayuu sheegay inuu la shaqeynayo Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo guddoomiyaha Aqalka Sare, isaguna ay soo xulayaan, kana hubin doona isaga, isaguna uu dhexdhexaad ka yahay, sida uu yiri.

    Guddiga Doorashada Guddiga Doorashooyinka Rooble Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleHorjooge Alshabaab ah oo isu dhiibay ciidamada Dowladda, markii uu ka baxsaday Ceelbuur
    Next Article Maxay Ciidamada Mareykanka uga tageen Garoonka Diyaaradaha magaalada Kaabul..? (Arag yaabkan)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo