Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa faragelin ku sameeyay Doorashada Beelaha Banaadiriga oo muran badan hareeyay, isagoo lagu eedeeyay inuu kursi u boobayo musharax ay isku heyb yihiin.
Qoraal uu raasay Ra’iisul Wasaaraha ayuu ku yiri: “Waxaa cabasho iga soo gaartay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Beelaha Banaadiriga, taas oo ku aaddan guddiga odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraasta Golaha Shacabka ee Banaadiriga”
Rooble ayaa qoraalkiisa ku soo saaray hakinta Doorashada Banaadiriga “Si loo xalliyo cabashadaas, waxaan magacaabayaa guddi ka kooban xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xafiiskeyga, si ay arrintan u baaraan warbixinna iigu soo celiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan. Inta cabashadan xal loo helayo, waxaan farayaa guddiga SEIT ee Banaadiriga in ay hakiyaan qabashada doorashada kuraasta Banaadiriga.”
