Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta gaaray magaalada Jeddah iyo Boqortooyada Sacuudiga.
Socdaalka Rooble ayaa la sheegay inuu ku saabsan yahay sidii gudan lahaa Cumrada. Waxaa Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Abdulaziz International Airport kusoo dhoweeyay, Amiir Khaled Al-Faisal, la taliyaha Boqorka Sacuudiga, gudoomiyaha gobolka Makkah Al-Mukarramah, iyo Duqa magaalada Jeddah Saleh bin Ali Al- Turki, Agaasimaha Booliska Gobolka Makkah, Jeneraal Saalax Al-Jabri, Agaasimaha King AbdulAziz International Airport Issam Nour iyo mas’uuliyiin kale.
Ra’iisal wasaaraha waxaa la socda xibno ka tirsan Golaha Wasiirada, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo madax ka tirsan Sacuudiga.


