Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka dhoofay magaalada Doha ee dalka Qatar oo booqasho rasmi ah uu ku joogay maalmihii lasoo dhaafay.
Wafdiga Rooble waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Hamad ku sagootiyey Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta dalka Qatar Jassim bin Saif Al-Sulaiti, Danjiraha dalka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem, iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar C/risaaq Farah Ali.
Wararka ayaa sheegaya lagu Koray Wakaalada Wararka dalka Qatar oo lagu soo begab gabagabada socdaalka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Qatar garab taagan tahay Soomaaliya.
“Dowladda Qatar waxay dib u xajiiqineysaa taageeradeeda Soomaaliya ee walaalaheen ah, waxayna sii wadi doontaa gargaarka iyo taageeridda mashaariicda horumarineed ee kala duwan ee dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada, iyadoo fursado shaqo u abuuraysa dhallinyarada, xoojinta awooddooda amniga iyo inay siiso taageero siyaasadeed si loo xaqiijiyo madaxbannaanida, madaxbannaanida , midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka”.
Waxaa la filayay in lagu dhawaaqo taageero dhaqaale oo dowladda Qatar ay siineyso dowladda Soomaaliya.
