Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay bandow lagu xirayo isu socodka iyo dhaqdhaqaaqa caasimadda Muqdisho.
Shacabka Muqdisho ayuu ka codsaday inay u dulqaataan xirnaanshaha jidadka caasimadda inta ay socoto munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, maadaama ay dalka imaanayaan madax iyo wufuud heer sare ah.
Rooble wuxuu sheegay in Dhaqdhaqaaqa magaalada la joojinayo, lana xirayo wadooyinka laga bilaabo caawa 10:00 fiidnimo ilaa 5:00 galabnimo ee Khamiista 9-ka June 2022.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Taliska Booliska in ay diyaariyaan gaadiid goobaha caafimaadka lagu geeyo dadka ay la soo darsaan xaaladaha caafimaad inta ay jidadku xiran yihiin.