Rooble oo faray Hay’adaha Amniga in baaritaan lagu sameeyo weerarradii ugu danbeeyay
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Wasiiro, taliyeyaasha hay’adaha amniga iyo saraakiisha AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.
Kulankan oo u muuqda inuu jawaab u yahay kulan uu xalay la yeeshay Farmaajo qaar ka mida taliyeyaasha ciidamada ayaa waxaa kulankaasi ka maqnaa wasiirada Amniga qaabilsan, saraakiisha AMISOM iyo qaar ka mida taliyeyaasha ciidamada.
Sida uu shaaciyay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha inuu Rooble faray Hay’adaha Amniga Baaritaan rasmi ah oo lagu sameeyo weerarradii argagixiso ee u dambeeyay, amniga doorashooyinka & guud ahaan dalka.




