Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi Farsamo heer sare ah oo u qaabilsan hirgelinta Doorashada dadban ee Soomaaliya.
Guddigan oo ka kooban 7 xubnood ayaa ah la-taliyeyaashii Ra’iisal wasaaraha, waxayna la wareegayaan arrimaha maamulka Doorashada, isku xirka Guddiyada Doorashada kala duwan, maamulka dhaqaalaha iyo xiriirka beesha Calaamka.
Magacayada Guddiga waxay kala yihiin:
1- C/qaadir Cilmi Cali – Xiriiriye
2- Avv. Cumar Maxamed Cabdulle
3- Faduma Cabdi Cabdi
4- Maxamud Maxamed Rooble
5- Layla C/kariim Maxamed
6- Liiban Rabiile Good
7- C/llaahi Xaashi Xasan
HOOS KA AKHRISO
