Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka shaqeyn doona u diyaargaroowga maalmaha xoriyada Soomaaliya 25 June iyo 01 July oo uu madax u yahay Wasiirka War-faafinta.
Gudigan ayaa la faray diyaarinta munaasabado muujinaya qiimaha shacabka Soomaaliyeed ay u fadhiyaan maalmaha xurriyadda iyo midnimada dalka, waxayna Xubnaha kale ee Guddiga kala yihiin:
1- Cismaan Abuukar Dubbe – Wasiirka Warfaafinta- Guddoomiye
2- Xasan Xundubey Jimcaale – Wasiirka Amniga – ku xigeen
3- Durraan Axmed Faarax Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada
4- Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda
5- Khadiija Maxamed Diiriye Wasiir Gargaarka iyo Maareynta. Masiibooyinka
6- Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
7- Shugri Maxamuud Afrax Wasiiru Dowlaha Tamarta iyo Biyaha
8- Cumar Maxamuud Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir aha Duqa Muqdisho
9- Bashiir Axmed Cusmaan Agaasimaha Golaha Wasiirrada Xoghayaha Fulinta
