Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay ayaa magacaabay Guddi ka kooban Shan Wasiir kuwaas oo baaris rasmi ah ku samayn doona dhacdadii 27 December la isku dayay in la afgambiyo Xafiisyada Ra’iisul wasaaraha iyo Xukuumadda.
Go’aanka magacaabista Guddigan ayaa kasoo baxay Golaha Wasiirada, wuxuuna Ra’iisal wasaaraha magacaabay wasiiro aad ugu dhow, iyadoo muddo toddobaad ah la siiyey inay soo saaraan natiijada baaritaanka.
Wasiirada laga magacaabay ayaa kala ah:
1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga—Guddoomiye.
2- Cabdullaahi Maxed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha.
3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji – Wasiirka Waxbarashada.
4- Gen Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirudowlaha Hawlaha Guud.
5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay inay ka go’an tahay in tallaabo uu qaado si falkii lagula kacay dadkii ka danbeeyay denbi loogu soo oogo, iyadoo uu ugu horeeyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.
