Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa wada qorshe uu doonayo inuu ku dardar geliyo Doorashada dib u dhaca ku yimid, kaasoo lagu bilaabayo Doorashada Golaha Shacabka.
Kadib caqabado lagala kulmay doorashadii Aqalka sare oo ahayd mid fudud marka loo eego Doorashada Golaha Shacabka ayaa la sheegay inuu Rooble xoogga sarayo sidii loo bilaabi lahaa Doorashada Golaha Shacabka oo ka dhaceysa magaalada Muqdisho.
Kulamo is daba joog ah oo Rooble la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo Guddiyada Doorashada ayaa looga hadlay u diyar garowe Doorashada 46-ka xildhibaan ee Gobollada Waqooyi la yimaada, kuwaasoo Doorashadoodu ka dhacay casimadda .
Qorshaha Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ayaa ah ugu horeyn ay Muqdisho ka bilaabato Doorashada Golaha Shacabka, kadibna loo gudbo maamul Goboleedyada, iyadoo uu cadaadis weyn uga imaanayo dhinaca madaxweynaha waqtigiisu dhamamaday oo weli khilaaf u dhaxeeyo.
Dhaqaalaha Doorashada oo culeys ka heystay xukuumadda Rooble ayaa hadda la sheegay inay taageero ka heshay dowladda Qatar oo la filayo inay lacag ku kabto Miisaaniyadda Doorashada oo ahayd lacag ku dhow 30 Milyan oo Dollar.
