Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar dhulka ah ku tegay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ahaa madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), Wasiirka Amniga XFS iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo maamulka Hirshabeelle.
Socdaalka Rooble ee degmada Balcad ee duleedka Muqdisho ayaa lagu sheegay inuu ujeedkiisu ahaa u kuurgelida xaaladaha amni iyo nololeed ee degmada Balcad iyo sidoo kale halka ay marayaan mashaaruuca dhismaha waddada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.
Waa markii ugu horeysay ee Rooble uu tago degmada Balcad, isagoo hore safar diyaarad ah ku tegay magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabelle iyo Gobolka Sh/Dhexe.




