Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta socdaaalkiisii ugu dhoofay magaalada Kismaayo ee caasimadda Dowlad-goboleedka Jubaland.
Ra’iisul Wasaaraha oo hoggaaminaya wafdi ka tirsan xukumadda xilgaarsiinta ayaa inta uu joogo magaalada Kismaayo waxa uu kulammo la yeelan doonaa madaxda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland oo uu kala hadli doono arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta, isagoo u kuurgali doona xaaladda guud ahaan Jubaland.
Waa safarkii ugu horreeyay ee Ra’iisul Wasaare Rooble ku tago Jubaland, iyadoo dhowr jeer uu hore uga baaqday safarkan, waxayna magacaabidiisu ku soo beegantay xilli xaalad adag uu mareyay xiriirka dowladda iyo Jubbaland.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Axmed Madoobe kala hadli doona arrimaha a dib heshiisiinta Gobolka Gedo, iyo sidii xal loogu heli lahaa, waxaana dhowaan magaalada Garbahaarey tegi doona wafdi ka socda maamul Goboleedyada.
