Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»RW Rooble oo Shaqadii ka joojiyay Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin (Akhriso Wareegto Culus)

    RW Rooble oo Shaqadii ka joojiyay Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin (Akhriso Wareegto Culus)

    September 6, 2021Updated:September 6, 20213 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqadii ka joojiyey Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

    Wareegto si sharciyeysan loo qoray oo saaka aroortii ka hor aadaanka hore ee salaada subax kasoo baxday Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey inuu agaasimaha NISA Fahad Yaasiin ku milmay arrimaha siyaasadda, kana dhega adeygay amarkii Ra’iisal wasaaraha ee warbixinta Ikraan Tahiil Faarax oo ka tirsaneyd Hay’adda NISA.

    Ra’isul Wasaare Rooble ayaa Jen. Bashiir Maxamed Jaamac oo hore u soo noqday agaasimaha NISA si ku-meel gaar ah ugu magacaabay xilka agaasimaha Hay’adda NISA.

    Rooble ayaa sidoo kale faray xeel-ilaaliyaha guud ee maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida inuu baaritaan rasmi ah oo dhameystiran ku sameeyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, kaddibna horgeeyoo ‘Maxkamad sharci ahoo awood u leh’.

    Arrintan ayaa ka dambeysay markii Fahad Yaasiin dalbaday inuu warbixinta kiiska Ikraan Tahliil Faarax uu siiyo Golaha Amniga Qaranka, halkii uu ka jawaabi lahaa dalabkii Ra’iisal wasaaraha ee ahaa inuu 48 saac ugu gudbiyo warbixinta sarkaalad ka tirsayed NISA oo la sheegay inay dileen Alshabaab.

    HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA SHAQO KA JOOJINTA FAHAD YAASIIN

    SHAQO KA-JOOJIN IYO MAGACAABIS KUMEEL GAAR AH.

    Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya, Markii uu arkay: Qodobada, 97-aad . 99-aad 100-aad ee Dastuurka Kumeel gaarka ah ee Qeexaya awoodaha Xuukamadda Fedearaalka ah ee Soomaliya.

    Markii uu arkay: Qodobka 10-aad, ee Dastuurka oo ka hadlaya in aan awoodda Dawladda marna loo isticmaalin meel uga dhicid karaamada aadanaha.

    Markii uu arkay: Qodobka 13-aad ee Dastuurka kana hadlaya xaqa nolosha.

    Markii uu arkay: Qodobka 127-aad ee ka hadlaya in Ciidamadu dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda isla markaana garawsaday sida Agaasimaha hay’adda nabadsuggidu ugu milmay arrimaha siyaasadda dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo aad xasaasi u ah.

    Markii uu tixgeliyay go’aankii Madaxweynaha JFS uu baarlamaankii 10-aad hortiisa kula wareejiyay Ra’iisul wasaaraha XJFS hogaaminta doorashada iyo amniga.

    Markii uu garwaaqsaday in warbixintii hay’adda ee ku saabsanayd kiiska Ikraan Tahlil Faarax aanay ahayn mid lagu qanci karo.

    Markii uu arkay warqadda sumadeedu tahay XTC/HSNQ/LD/014/21 ee uu soo saaray Agaasimaha Guud NISA taas oo muujinaysa sida uu uga madax-adaygay in uu fuliyo amarkii Ra’iisul wasaraha ee 04-09-02021 ee lagu faray in uu 48-saac gudahood ku keeno warbixin dhamaystiran laguna qanci karo

    Markii uu tixgaliyay duruufaha Doorashada ce Dalku uu ku jiro, danta guud ee cadaaladda, ilaalinta sumcadda hay’adda Nabadsugidda Qaranka iyo ka hortagista qatarta amni ee ka dhalankarta.

    Wuxuu xeeriyey:

    Qodobka 1-aad
    Ra’iisul wasaaraha JFS wuxuu shaqada ka joojiyay Agaasimaha guud ee hey’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka Mudane Fahad Yaasin Xaaji Daahir.

    Qodobka 2-aad.
    Waxaa si kumeel gaar ah loogu magacaabay Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac Agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka iyo Nabadsugidda qaranka.

    Qodobka 3-aad.
    Waxaa la farayaa dhamaan hay’adaha ay kala dhexeyso shaqada Agaasimaha guud ee hey’adda sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka in ay gacan ku siiyaan hogaanka kumeel gaarka ah xilgudashadiisa.

    Qodobka 4-aad.
    Agaasimaha shaqada laga joojiyay waxaa lafarayaa inuu xilka ku wareejiyo agaasimaha kumeel gaarka ah ee hay’adda mudo saddex maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa marka uu saxiixo Ra’iisul wasaaruhu Warqadaan.

    Qodobka 5-aad.
    Xeer-ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada qalabka sida waxaa la farayan in uu baaris rasmi ah oo dhamaystiran kusameeyo kiiska Ikraam Tahlil Faarax kadibna horgeeyo maxkamad sharci ah oo awood uleh.

    Qodobka 6-aad.

    Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Ra’iisal wasaaraha JFS.

    Fahad Yaasiin Kiiska Ikraan Tahliil NISA Rooble Top xil ka qaadis
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFahad Yaasiin oo Codsi u dirtay Farmaajo. “Ii ogolow inaan warbixinta kiiska Ikraan, kusoo bandhigno..”
    Next Article Farmaajo oo difaacay Fahad Yaasiin, kana hor yimid Shaqo ka joojintii uu ku sameeyay RW Rooble (Akhriso)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo