Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray Wasiirka arimaha arimaha dibadda inuu la laabto isbeello uu dhowaan ku sameeyay mas’uuliyiin ka tiran wasaaradda.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Rooble, kuna socday Wasiir Maxamed Saciid ayaa sharci darro looga dhigay wixii isbedel xil ka qaadis ama isku bedelid ah ee uu sameeyay wasiirka arrimaha dibada laga soo bilaabo 1 Janaayo 2022.
Guddiga Shaqaalaha rayidka ayaa la faray inay xilkooda gutaan, oo ay joojiyaan isbedelka lagu sameeyay mas’uuliyiinta Wasaaradda ee xilalka laga qaaday iyo kuwa laga bedelay.
Wasiirada xukuumada xilgaarsiinta ayaa muddooyinkii kalaguurka ku dhaqaaqay magacaabis iyo xil ka qaadis aan sharci ahayn, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda uu ka mid ahaa wasiirada ugu dhow Farmaajo ee arrimahaasi ku dhaqaaqay.
