Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta qaaday tallaabo uu kusoo celinayo xiriirkii xumaaday ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay inuu Rooble deeq gargaar ah ka gudoomay oo dowladda Imaaraadka Carabta oo loogutalo galay caawinta dadka abaartu saameysay.
Maxamed Xuseen Rooble ayaa dowladda Imaaraadka ka raalli geliyay dhacdadii loogala wareegay loogala wareegay Garoonka Diyaaradhaa Muqdisho lacag gaareya 9.6 Milyan Dollar bishii April ee 2018.
Ra’iisul Wasaaraha wuxuu ballan qaaday in lacagtaas oo ku jirta gacanta dowladda lagu wareejin doono dowladda Imaaraadka waqtiga ugu dhow. Arrinta raaligelinta ayaa ahayd shuruud ku xiran in Imaaraadka uu soo celiyo xiriirkii uu lahaa Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo dowladda Imaaraadka uga mahadceliyay garab istaaggeeda Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah.
Waa tallaabo cusub uu muujineysa in xukuumdda Soomalaiya ay la eexatay jidkii 5-ta sano lagu waday siyaasada Arrimaha dibadda Soomaaliya oo u janjeertay dalka Qatar.



