Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ayaa xil cusub u magacaabay Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe).
Wareegto goor dhoweyd kasoo baxday xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu shaaciyey in maanta oo ay taarrikhdu tahay 23//10/2021 jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) loo magacaabay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska,
Arrintan ayaa qeyb ka ahayd heshiis ay Farmaajo iyo Rooble ka gaareen khilaafkii u dhaxeeyay labada bilood ee ka dhashay maamulka Hay’adda NISA.
Rooble ayaa ka tanasulay xilkii uu hore ugu mnagacaabay Bashiir Goobe ee agaasimaha Hay’adda NISA, kadib markii uu hay’adaasi ku fara adeygay Farmaajo, waxaana xilkeeda sii haya Yaasiin Farey oo hore u ahaa taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir.
