Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilalkii ka qaaday agaasimeyaashii guud ee laba wasaaradood oo muhiim ah, isagoo magacaabay agaasimeyaal cusub.
Wareego kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa xilalkii looga qaaday agaasimeyaashii guud ee Wasaaradaha muhiimka ah ee kala ah: Gaashaandhigga iyo Caafimaadka waxaana loo magacaabay agaasimeyaal cusub.
Qoraalka kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu yiri: “Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga loogu magacaabay Xasan Maxamed Saciid Samatar, halka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada loo magacaabay Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim”.
Magacaabidan ayaa imaaneysa maalin kadib markii Ra’iisal wasaaraha uu Wasiiradiisa faray inay wax tallaabo ah qaadin sida magacaabis iyagoo aan isaga la tashan.
Xukuumadda xilgaarsiinta oo xilligan ay ahayd inaysan ku dhaqaaqin xilal magacaabis ayaa waxaa xowli ku socda qorsheyaal lagu kala bedelayo iyo qaar lagu magacaabayo mas’uuliyiin cusub.
