Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»RW Rooble Sharci ahaan xilka maka qaadi karaa Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA..?

    RW Rooble Sharci ahaan xilka maka qaadi karaa Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA..?

    July 23, 2021Updated:July 24, 20213 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilalkii ka qaaday laba sarkaal oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, kadib markii ay jebiyeen amar uu soo saaray.

    Tallaabadan ayaa timid, iyadoo uu Ra’iisal wasaaraha hore uga gaabsaday inuu tallaabo ka qaado arrimo badan oo awoodiisa hoos imaanayey, balse ay gacanta kula jirtay Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana arrintan si weyn usoo dhoweeyay musharixiinta mucaaradka.

    Ka sokow awoodda uu muujiyey Rooble waxaa tallaabada uu qaaday shaki gelin kara inuu sharci ahaan awood u leeyahay xil ka qaadis Hay’adda Agaasinkeeda ama taliskeeda uu magacaabo ama toos u hoos tagta Madaxweynaha dalka.

    Sida oo qorayo Qodobka 90-aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya Madaxweynaha ayaa magacaaba, xilalkana ka qaada taliyeyaasha ciidamada oo uu ku jiro Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka, marka ay soo jeediyaan Golaha Wasiirada, isaga ayeyna toos u hoos tagaan, isagoo ah Taliyaha guud ee ciidamada Qalabka sida, waana taas qodobka ka reebaya Ra’iisal wasaaraha keligiis inuu ku dhaqaaqo xil ka qaadista iyo magacaabista saraakiisha ciidamada.

    Awoodda Ra’iisal wasaaraha waxaa lagu caddeeyay Qodobka 100-aad ee Dastuurka KMG ah oo qoran sida soo socota:

    Qodobka 100aad. Xilka iyo Awoodda Ra’iisul-wasaaraha
    Awoodaha Ra’iisul-wasaaraha waa:
    (a) Madaxa Xukuumadda Federaalka ah;
    (b) Magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha Golaha Wasiirrada;
    (c) Horgeynta Golaha Shacabka xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Barnaamijka Xukuumadiisa si ay
    u siiyaan kalsooni.
    (d) In uu qabto hawlaha kale ee loogu loogu xilsaaray Dastuurkan ama sharci kale ee waafaqsan
    Dastuurkan iyo qiyamkiisa.

    Qodobka 99-aad ee Dastuurka oo ku saabsan Xilalka Golaha Wasiirrada ayaa faqradiisa ayaa qoreysaa in Golaha Wasiirada uu Magacaabo, xil-ka-qaadidda saraakiisha sare ee Dawladda; kaasoo aan kala caddeyn, balse loola jeedo kuwa rayidka ah. Qaabka uu Rooble uga baxsan lahaa waxay ahayd inuu adeegsado Golaha Wasiirada iyo Wasiirka Amniga, laakiin ay ku jiraan xubno saaxiibo la ah Farmaajo.

    Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha marka ay wada shaqeynayaan Dastuurka KMG ah dood kama timaado, laakiin markii mid ka mida uu qaado tallaabo aanu ogoleyn ama ka horjeedo kan kale, waxaa dhasha qalalaase Dastuuri ah iyo doodo sharciyeed, wuxuuna dalku galaa xaalad adag.

    Arrimahaas oo waxay imaanayaan marka Dastuurka lagu dhaqmayo, laakiin waxaa xaaladda uga sii dareysa, iyadoo lagu jiro xilli kala guur ah oo xasaasi ah. Madaxweynaha weli xilka fadhiya ee Maxamed C/llaahi Farmajo wuxuu muddo xileedkiisii sharciga ahaa dhammaaday 5 bilood ka hor, halka Ra’iisal wasaare Rooble ay xukuumadiisu tahay xilgaarsiin, iyadoo xilligan ay ahayd inaan lagu dhaqaaqin magacaabis ama xil ka qaadis.

    Si kastoo ay u dhacdo xil ka qaadista saraakiisha Hay’adda NISA waxaa cad in Hay’adda ay xilligii Farmaajo isu bedeshay mi siyaasadeed oo loo adeegsado dano gaara, kuna lug yeelatay dhibaatooyin iyo tacadiyo badan oo dalka ka dhacay, taasoo tallaabada Rooble la dhigeysa mid dad badan soo dhoweeyaan.

    Wadani.net

    C/llaahi Aadan kulane Farmaajo Jiis Mareexaan NISA Rooble
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRW Rooble oo qaaday tallaabo culus, xilkiina ka qaaday sarkaalka NISA ee Gacan-yaraha u ahaa Farmaajo iyo…
    Next Article Midowga Musharixiinta oo la saftay RW Rooble (Bayaan ay ku taageereen xil ka qaadista Saraakiisha NISA)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo