Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta ka qeyb galay munaasabadda siyaasadda Sheekh Cabdulqaadir Jaylaani oo ka dhacday Muqdisho.
Xamsa Cabdi oo ka hadlay Goobta Xuska Sheekha ee Siyaaradda ayaa sheegay in cullimada Soomaaliyeed gaar ahaan Suufiyada yihiin kuwa maanta hor kacaya dagaalka lagu cirib tirayo Alshabaab.
Wuxuu kaloo sheegay in culimada Suufiyadu yihiin kuwii iyadoon cidna ku baraarugsanayn hore dagaalka ula galay Alshabaab, taasoo ay mudnaan gaara ku leeyihiin, sida uu yiri.
Ra’isul Wasaaraha oo ah mas’uulkii ugu sareeyay ee muddooyinka taga Goobaha xuska culimada ee loo yaqaan Siyaarad ayaa Culimada Suufiyada uu ku tilmaamay kuwa nabadeed, balse wuxuu uga baaqay in qeyb ka noqdaan dagaalka dalka looga xorenayo Al Shabaab.
Sheekh C/qaadir Jeylaani ayaa ahaa caalim diinta islaamka caan ku ahaa Qarnigii 5-aad ee Hijtiyada, wuxuuna kasoo jeeda dalka Ciraaq, waxaaba markii dambe si weyn u weyneeyay Suufiyadda.
Bogga Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Somaliya ayaa lagu qoray inuu Sheekh C/qaadir Jeylaani ka mida ahaa culimada Soomaaliyeed, basle markii danbe ayaa lagu bedelay culimada islaamka.
