Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barreayaa magacaabay xilal cusub oo uu kusoo magacaabay mas’uuliyin ka howlgalaya xafiiskiisa.
Kamaaludiin Daahir Xasan Guutaale oo hore u ahaa la-taliye ayaa hadda loo magacaabay inuu noqdo Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, xilkan oo uu iska casilay Maxamed Abuukar Zubeyr
Sidoo kale Ra’iisal wasaare Xamsa ayaa Cabdirisaaq Cali Ibraahim u magacaabay ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, halka Mahad Maxamed Cumar loo magacaabay gaasimaha Waaxda Hab-maamuuska ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.Waa isbedelkii ugu horeeyay ee Ra’iisal wasaaraha ku sameeyo xafiiskiisa, in ka badan sanad iyo bar, balse wuxuusan weli ku guuleysan inuu soo magacaabayo Wasiirada Arrimaha Dibadda, Amniga Qaranka iyo Haweenka oo muddo billo ah bannaan.