Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) ayaa kusoo baxay Doorasho ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.
Jeneraalka roo u tartamay Kursiga HOP248 ayaa la filayay inuu kursiga kusoo baxo, waxaana uu taageero ka hela madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Janeraal Saadaq ayaa helay 81 Cod, halka Cabdullahi Xersi Diirshe oo la tartamayay uu ka helay 17 cod, waxaana xumaaday laba cod.
Ninkan ayaa waxaa xilka ka qaaday Madaxweyne Farmaajo markii uu ka digay muddo kororsi, waxaana markii dambe laga xayuubiyey darajooyinkii ciidanka oo dhan, laakiin waxaa markii danbe arrintaasi dhex galay madaxweynaha Galmudug.
