Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Saaka iyo Bandowga Muqdisho: Ciidamadii ugu badnaa iyo Gadiidka dagaalka oo la dhigay Wadooyinka

    Saaka iyo Bandowga Muqdisho: Ciidamadii ugu badnaa iyo Gadiidka dagaalka oo la dhigay Wadooyinka

    February 19, 2021Updated:February 19, 20212 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda Federaalka ayaa ciidamadii ugu badnaa ku daadisay wadooyinka magaalada Muqdisho si looga hortago dadweyne la qorsheeyay inay maanta dhigaan bannaanbax looga horjeedo Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    kadib markii ciidamada gorgor ee kumaandooska Milateriga ay weerarreen Hotelka Maa’ida oo ay ku sugan yihiin madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayay ciidamada dowladda oo wata Beebayaasha iyo gadiidka dagaalka la wareegeen Taallada Daljirka Dahsoon oo bannaanbuxu ka dhici lahaa, waxaana gebi ahaan xiran wadooyinka magaalada oo dadka loo diiday inay gaadiid iyo socod midna ku maraan.

    Bandowga aan la shaacin ee caasimadda lagu soo rogay ayaa saameynta ugu weyn ku yeeshay degmooyinka ku dhow Taallada Dajirka ee Boondheere, Xamarweyne Wardhiigley, Shangaani, iyadoo ay xiran yihiin Isgoyska Boondheere, agagaarka gurigii hore ee Saldhigga Shangaashi, Guriga Hooyooyinka ilaa agagaarka Iskuulka 15-May ayaa xiran waxaana la ogolayn in lagu dhowaada taalada Daljirka Dahsoon.

    Dadka loo diyaariyey bannaabaxa xaafadahooda ku xayiran, waxayna askarta qaarkood rasaas kor uga ridayaan dadka isku daya inay diidaan amarka lagu joojiyay inay socdaan; waxaana awoodii ugu weyneyd ee dowladda loo adeegsaday in looga hortago bannaanbax.

    Xaaladda ayaa u eg sida inqilaab dhacay, marka la eego ciidamada badan ee xerooyinka laga soo bixiyey ee wado waliba taagan, gaadiidka dagaalka ee ay wataan iyo in dhammaan la joojiyey isu socodkii dadka iyo gaadiidka agagarka Taallada Daljirka.

    Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in bannaanbax ayaal uu hoggaaminayo musharax C/raxmaan C/shakuur uu socod ka bilaabay agagaarka Garoonka diyaaradaha, wuxuuna sheegay in dadka soo baxay ay yar yihiin, taasoo ay ugu wacan tahay inay ciidamada dowladda loo adeegsaday in la xayiro dadka, xalayna weerar lagu qaaday madaxweynayaashii hore.

    “Farmaajo iyo Fahad meesha ay rabaan waa la isla tegi doonnaa, iyagaa magaaladan ka tegi doonna, iyagoo dulleysan… dadkaani dulqaad waa muujiyeen..” ayuu yiri Musharax C/raxmaan C/shakuur.

    Dhinaca kale bannaanbaxyo kala gaara ayaa ka socda xaafadaha Muqdisho, waxaana qaarkood hoggaaminaya xildhibaanno iyo musharixiinta mucaaradka, kadib markii ciidamada hor istaageen isu socodka dadka.

    Bannaanbax Farmaajo Muqdisho Xaaladda Muqdisho
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSheekh Shariif: “Weerarka waxaa amray Maxamed Farmaajo isagoo doonaya inuu na caburiyo..”
    Next Article DEGDEG: Rasaas ku furay bannaabax ay hoggaaminayeen Xasan Kheyre, C/raxman C/shakur iyo..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo