Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Saameyn intee la’eg ayay leedahay is-dhiibitaanka Sheekh Mukhtar Roobow?

    Saameyn intee la’eg ayay leedahay is-dhiibitaanka Sheekh Mukhtar Roobow?

    August 14, 20174 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu caanka sanaa kooxaha hubeysan ee dowladda Soomaaliya kasoo horjeeda ayaa laga dajiyey magaalada Muqdisho kadib markii uu dowladda isu soo dhiibey.

    Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuur Mansuur ayaa laga soo duuliyey magaalada Xudur halkaasi oo isaga iyo ciidamo la socda ay soo magangaleen ciidamada dowladda kadib markii weeraro isdaba-joog ah ay ku qaadeen dagaalyahanada Alshabaab oo ka warheley wadahadalo la sheegey in ay u socdeen isaga iyo dowladda.

    Waa kuma Roobow?

    Sheekh Mukhtar Robow wuxuu ka mid yahay aasaasayaashii ururka Al-Shabaab oo in ka badan 10 sano ka dagaallameyso Soomaaliya.

    Wuxuu ahaa taliye ku xigeenkii Midowgii Maxaakiimta oo 2006-dii ka adkaaday isbeheysigii dagaal oogayasha Muqdisho.

    Sheekh Mukhtar Robow
    Sheekh Mukhtar Robow

    Abuu Mansur Roobow wuxuu ka mid noqday hoggaamiyayaashii Al-Shabaab ee soo caanbaxay ka dib markii Maxaakiimtii laga saaray Muqdisho, dhammaadkii 2006-dii.

    Wuxuu noqday afhayeenka iyo ku xigeenka kooxdan, 2007-dii, isaga oo ka hadli jirey fagaarayaasha dadka la’isugu keeno iyo waliba saxaafadda.

    Laakiin waxaa loo arkay in Rooboow uu xagga aragtiyada ka dabacsanaa hoggaamiyeyaashii kale ee mayalka adkaa ee Alshabaab, islamarkaasina ay ku jirtey waddaniyad sida la sheego.

    Waxaa xitaa la sheegey in uu Rooboow ka qeybgalay shirkii Asmara ee la’isugu geeyey siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh aadan oo markii dambe dalka madax ka noqdey.

    Roobow iyo Alshabaab

    Khilaaf iyo madmadoow ayaa soo kala dhexgalay Abuu Mansuur iyo hoggaanka kale ee Alshabaab, waxaana la sheegey in go’aamo badan uu kaga horjeedsaday amiirkii Alshabaab ee dhintey Abuu Zubeyr.

    Abuu Mansuur waxa uu waligiisba haystay ciidamo u daacad ah oo beeshiisa u badan , isku gobolna ay kasoo jeedaan, kuwaasi oo isaga daacad u ahaa.

    Iyada oo ay xaaladda sidaasi tahay ayuu ururka kasii mid ahaa, kana qeybgali jirey dagaalada iyo weerarada ay qaadaan, balse markii lasoo gaaray sanadkii 2013-kii ayay si toos ah isugu dhaceen Rooboow iyo hoggaankii sare ee Alshabaab.

    Waxaa dhacday in Rooboow uu ciidamadiisa oo boqolaal ahaa dhinac ula goysto , kadibna galay dhulka miyiga ah ee Bay iyo Bakool, halkaasi oo uu kasoo jeedo, islamarkaasina si fiican u kala yaqaano deegaan ahaan iyo dad ahaanba.

    Sheekh Xasan Daahir AweysSheekh Xasan Daahir Aweys

    Inkasta oo Alshabaab ay weerartay, qaarna dishey dhammaan hoggaamiyeyaashii ay kala aragti duwanaadeen sida Sheekh Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad (Afghan), Abuu Mansuur Al-Amriiki oo labaduba la diley iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo naftiisa la baxsaday, ayaysan jirin weerar rasmi ah oo lagu qaaday Rooboow, sababta ay dooniba ha lahaatee.

    Cunaqabataynta Mareykanka

    Dowladda Maraykanka ayaa sannadkii 2012-kii Rooboow ku dartay liiska dadka aadka loo doondoonayo, waxaana madixiisa la saaray abaalmarin dhan $5 milyan oo doolar oo la siinayo qofkii nolol iyo geeri ku keena ama bixiya xog horseedi karta in lasoo xiro.

    Balse bishii lasoo dhaafay ayaa laga qaaday cunaqabatayntaasi, lammana bixinin wax faahfaahin ah sababta looga qaaday, balse waxaa la sheegey in arrintan ay ka dhalatay wadahadalo lala galay Rooboow, ayna shuruud u ahayd in uu dowladda kusoo biiro, kana laabto moowqifkiisii hore.

    Maalmo kadib markii uu soo baxay warka ku saabsan cunaqabataynta Maraykanka ee laga qaaday, dagaalyahanada Alshabaab waxa ay bilaabeen abaabul dagaal oo ka dhan ah Rooboow, waxaana dhacay dhawr dagaal oo qaarkood qasaare uu ka dhashay.

    Markii dambe dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ciidamo u dirtey meelihii uu joogay Abuu Mansuur Rooboow, gacana ka siiyay in uu iska caabiyo Alshabaab.

    Wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka Mudane Cabdirishiid ayaa u safray magaalada Xuduru ee gobolka Bakool, halkaasi oo ay yimaadeen Abuu Mansuur iyo Ciidamadiisa.

    Rooboow waxaa loosoo duuliyey magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu wadahadalo kula leeyahay madaxda ugu saraysa dowladda Federaalka, waxaana maalmaha soo socda la ogaan doonaa sida laga yeelayo aayihiisa.

    Maxay oga dhigantahay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab?

    Isa soo dhiibitaanka Abuu Mansuur Rooboow waa guul weyn oo usoo hoyatay dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waana jab weyn oo oo gaaray Alshabaab.

    Waxa uu ka mid noqonayaa hoggaamiyeyaashii muhiimka ahaa ee Alshabaab ee ama la diley, isa soo dhiibey ama la hayo laga soo bilaabi hogaamiyihii koowaad Aadan Xaashi Cayroow, waxaana aad u yar shaqsiyaadka muhiimka ah ee la sheegi karo ee hadda ku haray Alshabaab marka laga reebo amiirka hadda u taliya.

    Laakiin ciddina kuma doodi karto in Alshabaab ay baaba’day, wali wax aka tirsan kumanaan dhalinyaro dagaalyahano ah, waxayna awood u leeyihiin in ay qaraxyo iyo waliba weeraro ka geystaan magaalooyinka waaweyn ee dalka.

    Waxa ay wali haystaan gobolka Jubbada Dhexe oo dhan iyo degmooyin dhawr oo ka tirsan Jubbada Hoose, Gobolada Dhexe iyo meelo kale oo dalka ka tirsan.

    Balse awoodooda sii wiiqmaysa iyo dadaalka ay dowladda ku jirto ee ay ciidamada ku dhiseyso ayaa muujin kara in hadda loosoo dhowaaday dhammaadka jiritaanka Alshabaab.

    Alshabaab Mukhtaar Roobow Sheekh Roobow
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleBaarlamaanka Hirshabeelle oo kalsoonida kala laabtay Cali Cabdulahi Cosoble
    Next Article Uhuru Kenyatta oo farriin u diray mucaaradka Dalkiisa & Digniin uu soo saaray]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo