Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 25
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Dhaqaalaha»Ganacsiga»Saamileyda Somaliland ee Astaan Cable oo ka hadlay xariga maamulaha guud Cabdimannaan Yuusuf

    Saamileyda Somaliland ee Astaan Cable oo ka hadlay xariga maamulaha guud Cabdimannaan Yuusuf

    July 24, 2020Updated:July 24, 20203 Mins Read Ganacsiga
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    War-saxaafadeed ay soo saareen Saamileyda Somaliland ee Shirkadda Astaan Cable ayaa lagu faahfaahiyey xariga magaalada Hargeysa loogu geystay Maamulaha Guud ee Astaan TV Cabdimanaan Yuusuf Maxamed.

    Ujeedka xariga Cabdimanaan ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka in culeys lagu saaray in laga wareejiyo saamigii Astaan Cable, si qiil loogu sameeyo in la dhaco shirkadda, waxaan looga digay inay halis ku jirto hantidooda.

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

    July 23, 2020 – Anigoo ah Axmed Maxamed Jaamac, Guddoomiyaha Board-ka Astaan Cable, ahna wakiilka inta badan Saamileyda Somaliland ee Shirkadda Astaan Cable waxaan cambaareynayaa xarigga lagula kacay Cabdimannan Yuusuf Maxamed oo ah Maamulka Guud ee Shirkadda Astaan, oo 17-kii bishan July lagu xidhay magaalada Hargeysa, iyadoo aan loo soo marin sifo sharci ah, isla markaana loo oggolaan qareen iyo ehelkiisu inay booqdaan.

    Xarigga Cabdimannaan maalmo ka hor waxaa si sharci-darro ah culeys loogu saaray in la iga wareejiyo saamigii aan ku qornaa shirkadda Astaan Cable ee aan wakiilka uga ahaa ganacsato badan oo reer Somaliland ah anigoo haatan dalka ka maqan, kuna sugan dalka India si looga dhigo in shirkadda Astaan Cable 100% laga leeyahay Koonfurta Soomaaliya, ka dibna qiil loogu sameeyo sidii loo dhici lahaa hantideeda, taas oo ah wax ka baxsan sharciga, kana hor imaaneysa maalgashiga dadka u dhashay Somaliland, isla markaana saameyn xun ku yeelan doonto ganacsatada reer Somaliland ee maalgashiga ku sameeya koonfurta Soomaaliya.

    Fekerka Astaan Cable in Hargeysa laga hirgeliyo aniga ayuu igu dhashay, waxaana ula tagay Shirkadda Astaan, waxaana ku guuleystay inaan saami xooggan ka soo ururiyo ganacsato badan oo reer Somaliland ah, sidoo kalena soo helo rukhsaddii ay shirkaddu ku hawlgaleysay. Waxaana ku shirkownay aqoonta farsamo iyo waaya-aragnimada Astaan ee ay u leeyihiin adeeggan iyo hantidii reer Somaliland iyo aqoontii aan u lahayn warbaahinta Somaliland.

    Isku-biirinta hantida reer Somailand iyo aqoonta farsamo ee Astaan waxaa ka dhashay Shirkadda Astaan Cable, waxayna gaadhay guulo waaweyn oo ay sabab u ahaayeen hal-abuur cusub.

    Shirkadda Astaan Cable waxay magaalada Hargeysa ka shaqaaleysiiyay in ka badan 120 shaqaale joogto ah oo reer Somaliland ah oo ka shaqeeya qeybaha kala duwan ee shirkadda. Waxaan fursado dhaqaale u abuurnay ganacsiyada yaryarka ah ee qalabkeena ku sii iibiya gudaha caasimadda Hargeysa, kuwaasi oo boqol ku dhow. Waxaan soo nooleynay fankii hore oo sii duugoobayay, inagoo fursado dhaqaale u abuurnay fannaaniinta iyo kooxaha miyuusigga. Waxaan xiiso u yeelnay isboortiga Somaliland, gaar ahaan horyaallada.

    Waxaa nasiib darro ah in markii shirkaddu ku guuleysatay oo hanatay dareenka macaamiisha Somaliland in la soo maleegay qorshe la doonayo in lagula wareego, loogana dhigo inay tahay shirkad aan laga lahayn Somaliland oo xoolaheedu xalaal yihiin, waxaana arrintani gadaal ka riixaya dad doonaya inay sameeyaan adeeg noocan oo kale ah oo horay isugu dayay inay saami xoog ah naga qaataan.

    Astaan Cable maanta waxay mudneyn in billad Sharaf lagu siiyo waxyaabaha ay soo kordhisay Somaliland ee ma mudneyn in lagu dhibaateeyo hal-abuurka ay soo kordhiyeen iyadoo loo adeegsanayo awood dawladeed.

    Ganacsatada kale ee hore suuqa hore ugu jidhay ama kuwa cusub ee haatan qalabka rakibanayo ee doonaya inay suuqan soo galaan waxaan ku soo dhoweyneynaa gacmo furan, waxaana ku boorrineynaa inay suuqa ku soo galaan tartan nadiif ah, balse aysan ku soo gabban awoodda dawladeed.

    Waxaan ka codsanayaa inta samaha jecel inay noo hiiliyaan, isla markaana muujiyaan in Somaliland la wada leeyahay. Waxaan rajeynayaa in sharcigu guuleysan doono.

    Axmed Maxamed Jaamac
    Guddoomiyaha Board-ka, ahna Wakiilka inta badan Saamileyda Somaliland ee Astaan Cable. Mobile: +91-70938994998

    Astaan Cable Astan TV C/manaan Yuusuf Maxamed Cabdi manaan Yuusuf Hargeysa
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaahfaahin: Laba Qof oo si bareer ah loogu dilay Magaalada Muqdisho
    Next Article Axmed Madoobe oo shaaciyay in la bilaabay xalinta xaaladda Gobolka Gedo iyo Shirar u socda..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo