Friday, May 16, 2025

Sababta dib loogu xiray Idaacadda Shabelle iyo Milkiilaheedii oo la baadigoobayo

Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho iyo idaacadda kale ee ku xiran SKY ayaa mar kale la xiray kadib markii ciidamada Nabadsugidda ay tageen shalay, waxaa kaloo la xiray qaar ka mida weriyayashii ka howlgalayay idaacadaasi xilligii ay ciidamada tageen goobtaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in idaacadda Shabelle ay ku xadgudubtay amar ay dowladda hore u soo saartay oo ahaa inaan la baahin karin wararka kooxda Alshabaab oo ay khalkhal geliyeen ammaanka.

Dadka la xiray waxaa ka mida weriye Axmed Cabdi Xasan oo la sheegay inuu sii daayay warka Alshabaab iyo Agaasimaha Idaacaddaasi Maxamed Muuse Maxamuud. Sidoo kale waxaa la sheegay in la baadi goobayo milkiilaha idaacadaasi C/maalik Yuusuf .

Ad

[ad name=”HTML-2″]shabele

Xiriirka Idaacaddan iyo hay’adaha ammaanka ayaa aad xumaa muddooyinkii ugu danbeeyay iyadoo idaacadan laf ahaanteeda ay ahayd mid af-dheer oo mas’uuliyiinta qaarkeed weerar warbaahineed oo toos ah la beegsata.

Wasaaradda warfaafinta iyo Hay’adaha ammaanka ayaan xiriir ka lahayn sida loola dhaqmayo warbaahinta gaarka loo leeyahay, waxayna wasaaradda warfaafinta marar badan ka cabatay inaan la ogeysiin tallaabooyinka hay’adaha ammaanka ka qaadayaan warbaahinta.

- Advertisement -

Dhowaan ayay ahayd markii ganaax lacageed iyo muddo ay xabsi ku jireen lagu sii daayay milkiilaha Idaacadda Shabelle iyo weriyeyaal saddex ahaa oo midkood weli dacwadiisu ka socoto Maxkamadda Gobolka Banaadir.

 

Goobjooge.com

Muqdisho

- Advertisement -

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

[ad name=”HTML-4″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON