Maamulka Somaliland ayaa si la yaab leh uga hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka Itoobiya, waxayna u balanqaadeen inay la garab taagan yihiin wixii taageero ah.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo uu soo xigtay Wargeyska Geeska Afrika ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in xaalad kasta oo ay Itoobiya gasho ay saameyn ku yeelaneyso Somaliland, balse wuxuu sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in xaaladda Itoobiya ay nabadgelyo ugu dhammaato.
“Itoobiya waa wadan aynu jaar nahay, waa wadan aynu saaxiib nahay oo saamayn badan nagu leh, waxaanu u rajaynaynaa in hawlahaas ka taagani si nabada ah ku dhammadaan, nidaam bay leeyihiin, nidaamkooda ayeyna u raaci doonaan, laakiin inagu weynu garab taagan nahay, wax alaale wixii ay inooga baahdaan ee awoodeena ahna ee aynu kari karnana waanu ugu dadaalaynaa diyaarna waanu u nahay”. ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.
Somaliland ayaa ka mida maamullada Soomaalida ee sida weyn ugu xiran Itoobiya oo dadka qaarkii ku tilmaamaan in laga xukumo Adis ababa.