Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar oo xiriirkii u jaray dalka Qatar iyo dagaal diblomaasiyeed oo qarxay

    Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar oo xiriirkii u jaray dalka Qatar iyo dagaal diblomaasiyeed oo qarxay

    June 5, 20172 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xiriirkii dublamaasi u jaray dawladda Qadar iyaga oo ku eedeeyay in ay daganaansho la’aan ka wado gobolka.

    Wakaaladda wararka ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay dawladda Sacuudigu ay ka xiratay xadkeeda dawladda Qadar ayna arrintaasi saamaynayso dhammaan dhammaan isu socodkii dhulka, biyaha iyo hawadaba.

    Wakaaladdu waxay soo xigay saraakiil Sacuudiyaan ah oo sheegaya in ay uga golleeyihiin in ammaanka qaranka ay ka ilaaliyaan halista argagixisada iyo xag jirka.

    Masar ayaa sidoo kale sheegtay in ay dhammaaan gaadiidka qadar ka xiratay hawadeeda iyo dakadaheeda, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu.

    Dalka Isutagga imaaraadka Carabta ayaa dublamaasiyiinta Qadar u qabtay in ay dalkooda kaga baxaan 48 saac gudahood iyagoo ku eedeeyay Qadar in ay maalgaliso argagixisada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dawladda ee WAM.

    Wakaaladda wararka ee Baxrayn ayaa sheegtay in dalkoodu uu calaaqaadka u jarayo Qadar sababtuna ay tahay in ay gilgishay ammaanki iyo daganaanshihii Baxrayn ayna qasayso dalkooda

    Dalalkaasi waxay Qadar ku eedeeyeen in ay taageerto ururrada argagixisada oo uu ka mid yahay midka Akhwaanul Muslimiin ama Muslimiinta walaalowday.

    Arrintan ayaa ka dambeysan xiisad ka dhalatay olole ay warbaahinta Sacuudiga  iyo Imaaraadka ku qaadeen dalka Qatar, kadib markii la jabsaday website-ka wakaalada wararka ee Qatar laguna faafiyay war laga soo xigtay Amiirka Qatar oo lagu taageerayo Iiraan.

    Ololaha warbaahineed oo ay qeyb ka ahayeen telefishanada Alcarabiya iyo Aljazeera ayaa toddobaadkan ka sii daray markii emailka shaqsiga ah ee safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Mareykanka la jabsaday, isla markaana la faafiyay qoraalo uu ku weerarayo Qatar iyo sir ku saabsan doorka Imaaraadka ay ku leedahay dagaal lagula jiro Qatar iyo xiriirkeeda Israa’iil iyo Mareykanka.

    Wakaalado

    Masar Qatar Saudi UAR
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleTurkiga oo Markab sida deeqdii ugu badneyd u soo diray Soomaaliya [Daawo Sawirro]
    Next Article WAR DEGDEGA: Qarax lagu weerarray Saldhigga Booliska Magaalada Kismaayo

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo