Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa dadkeeda ka joojisay inay Cumro u tagaan Xaramka magaalada barakeysan ee Maka iyo Masjidka Nebiga ee magaalada Medina, si loo xakameeyo faafidda cudurka COVID-19 ee Coronavirus uu keeno.
Amarkan oo ay faafisay wakaalada wararka Sacuudiga ayaa kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, wuxuuna qeyb ka yahay dadaalka loogu jiro in laga hortago in Coronavirus uu gaaro magaalooyinka barakeysan e Maka iyo Medina oo malaayiin qof ay booqdaan.
Arrintan ayuu Sacuudigu sheegay inay tahay KMG, si joogto ahna dib loogu eegi doono, waxaana dadka Sacuudiga wixii maanta ka bilowda laga mamnuucay inay cumro u tagaan Xaramka ama ay booqdaan Masjidka Nebiga SCW ee magaalada Medina.
Waa tallaabadii labaad ee Dowladda Sucuudiga ay qaado iyadoo hore dadka dibadda ka joojisay cumrada iyo booqashada Masjidka Nebiga NNHK, arrintaas oo saameyn ku yeelatay dad badan oo isu diyaarinayey cumrada.
Maanta ayuu shaaciyey in qofkii labaad laga helay cudurka Coronavirus, iyadoo hore qofkii koowaad loo karaantiilay kaasoo noqday qof kasoo laabtay dalka Iran oo Sacuudiga ka galay dhinaca Baxreyn.
In ka badan 80 dal ayuu cudurka Coronavirus ku faafay, waxaana uu sababay in la xiro dugsiyo, jaamaacado, shirar waaweyn oo dhici lahaa, iyadoo go’doon la geliyey magaalooyin waaweyn, wuxuuna qarka u saaran yahay inuu saameyntii ugu weyneyd ku soo yeesho isu socodka iyo dhaqaalaha dunida oo dhan.