Dowladda Sacuudiga ayaa safiir cusub u soo dirtay Soomaaliya, iyadoo uu ku soo beegmay xilligan kala guurka ah ee Soomaaliya ay ku jirto doorashooyinka.
Safiirka cusub ee Sacuudiga waxaa waraaqihiisa aqoonsiga ka gudoomay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay safiirka cusub Dr. Mohamed Abdi-kani Al-Khayat.
Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa yeeshay kulan kooban ka yeeshay muhiim xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga, sida ay soo werisay SONA madaxweynaha ayaa safiirka uga mahaceliyey imaanshihiisa Soomaaliya, una ballan qaadey in uu ku gacan siin doono howsha ballaaran ee uu Soomaaliya ka qaban doono.
Dhinaca kale Safiirka cusub ee Sacuudiga ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee dhowaan la doortay Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), waxaana warbaahinta dowladda ay sheegtay inuu kulankaasi ahaa isbarasho, taasoo caddeyn ah inuu madaxweynaha Soomaaliya ee rasmiga ah weli yahay Xasan Sheekh Maxamuud.