Maxkamada Darajada Koowaad ee magaalada Garowe ayaa saaka go’aan ka gaartay kiiskii kufsiga dilkii Caa’isha Ilyaas Aadan oo 12 sano jir ahayd , kana dhacay magaalada Gaalkacyo.
Gudoomiyaha maxkamadda Sheekh Cabdinuur ayaa ku dhawaqay in maxkamaddu dil toogasho ah ku xukuntay 3 eedaysane oo lagu helay falkan, kuwaasoo kala ah: Cabdifataax Cabdirahman Warsame, Cabdisalaan Cabdirahman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige.
Waxay kaloo Maxkamaddu amartay in xoriyadooda la siiyo 7 eedaysane oo lagu waayey caddeymo, iyadoo lasoo gabagabeeyay dacwadii kufsiga Caaisha ee sida weyn u qabsatay dadka Soomaaliyeed.
Magacyada iyo da’da saddexda qof ayaa kala ah:
1. Cabdifataax Cabdirahman Warsame, 34 jir
2.Cabdisalaan Cabdirahman Warsame 24 jir
3.Cabdishakuur maxamed Dige shiine 46 jir



