Monday, May 12, 2025

Saddex ka mida wasiiradii taabacsanaa madaxweynaha oo Hay’ad cusub ku dhawaaqay (Faaqidaad)

Saddex ka mida sii-hayeyaasha wasiirada xukuumadda kalsoonida ka weysay Baarlamaanka oo ahaa kuwii taageersanaa madaxweyne Xasan Sheekh Axmed, kana mid ahaa wasiiradii  ugu baaqay Ra’iisal wasaaraha inuu is casilo ayaa Muqdisho uga dhawaaqay Hay’ad loogu magac daray “Hay’adda Taakuleynta Qaxootiga iyo Barakacayaasha” oo la sheegay inay hoos tageyso Wasaarada Arrimaha Gudaha.

WASIIRADA NADIIFO, GOODAX IYO BAYLE
WASIIRADA bidix:  NADIIFO, GOODAX IYO BAYLE

Sameynta Hay’adan ayaan la ogeyn sababta ka dambeysa iyadoo aan la soo bandhigin dadka hogaaminaya iyo waxa ay qaban doonto midna, wxa kaliya oo la sheegay inay Hay’adda Takulaynta Qaxootiga iyo Barakacayaasha  howsheedu tahay dib u dejinta dadka qaxootiga ah ee qaarkood bilaabeen inay dib ugu soo noqdaan  Gobolada Jubbooyinka.

Wasiirada arrintan ku bahoobay ee shirka looga dhawaaqay hay’adda ka soo muuqday waxaa ka mida:

Ad

1. Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud & dib u dhiska Nadiifo Maxamed Cismaan

2. Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. C/raxmaan Ducaale Bayle

3. Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federalka  Cabdulaahi Goodax Barre

- Advertisement -

Dhismaha hay’addan ayaa imaaneysa iyadoo uu madaxweynaha dhowaan soo saaray wareegto lagu caddeeyay inaan xilal sare oo heer federaal la magacaabi karin, kana hor yimid agaasime loo magacaabay wasaarad (Akhri wareegtada madaxweynaha).

Waxay kaloo dhismaha hay’adani timid iyadoo ay jirto Hay’ad kale oo Dowladda ugu qaabilsan Qaxootiga iyo barakacayaasha, taasoo lagu magacaabo Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayasha Qaranka oo uu guddoomiye u yahay Axmad-Daahir C/Kariin Nuur. hay’addan oo Baarlamaanku aqoonsan yahay.  Labadan hay’adood waxaa cad inaysan wada shaqeyn karin oo midkood ay sharci darro tahay.

Waxaa kaloo shaki weyn laga muujinayaa xilliga lagu soo beegay dhismaheeda oo ah xilli kala guur ah oo wasiir sii-haye ah aanu awood u lahayn inuu dhisme iyo magacaabid sameeyo. Waxaa laga yaabaa in dhismaha hay’adani ay salka ku heyso mashruuc cusub oo hay’adda UNHCR ugu talogashay soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya.

 

- Advertisement -

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

 

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON