Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay oo ku beegneyd 11-ka April ka qeyb galay xuska maalinta ciidanka xoogga dalka oo maalin lasoo hormariyey, kuna beegan maanta 12 April.
Madaxweynaha oo munaasabadda xuska maalintan kaga qayb galay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ka hadlay arrimo u badan xaalada ciidamada xoogga dalka iyo isbedelka ku socda, isagoo markii ugu horeysay qirtay in khaladaad badan uu ka dhacay dhinacooda markii la diiwaangelinayey ciidamada.
Madaxweyne Farmaajo khudbadiisii shalay waxay kashiftay arrimo badan oo qaarkodo sir ciidan yihiin, qaar kalena ay ahaayeen qirasho khaladaad ka dhacay maamulka dowladiisa labadii sano ee uu xilka hayey, waxaana ka mida:
ISBEDELKA QORSHAHA DAGAALKA CIIDAMADA DOWLADDA
Madaxweyne Farmaajo uu u muuqday mid dib u saxaya eedeyn uu hore ciidamada ugu jeediyay oo ahayd inay kasoo bixi waayeen balanqaadkii ahaa inay 2 sano Alshabaab uga xoreynayaan dalka, ayaa sheegay in dagaalkii Xamar looga saaray Alshabaab uu ka duwaa, dagaalka hadda lagula jiro Alshabaab oo ah midka ku-dhufo oo ka-dhaqaaq ah, ciidamaduna aysan u tababarneyn qaabkaasi. Madaxweyne Farmaajo wuxuu kashifay inay ciidamada Soomaaliya bedeleen qaabkii dagaalka oo ay hadda wadaan dagaalka ay Alshabaab adeegsato oo kale oo ah ku-dhufo oo ka-dhaqaaq.
KHALADAADKII DIIWAAN GELINTA CIIDAMADA
Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horeysay qirtay in khaladaad ay galeen dhinacooda markii la diiwaan gelinayey ciidamada, ayna ayna arkayeen inay lagama maarmaan tahay diiwaangelin si loo helo ciidamada tiradooda, isagoo qiray inay mar kasta ka baqayeen inuu gadood dhaco, wuxuuna u muuqday inuu raaligelin ka bixinayo dhibaatooyinkii ka dhashay diiwaangelinta ciidamada. “Xaqiiqatan aad iyo aad ayey noogu adkaatay tirakoobka maxaa yeelay waa isbedel, dadkuna ma jecla isbedel..” ayuu yiri Farmaajo.
HOR-MARINTA XUSKA MAALINTA 12-KA APRIL
In xuska 12-ka April maalin lasoo hormariyo ayaa lagu sheegay inay keentay arrimo amni, iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socdeen howgallo galay toddobaadkii labaad, taasoo caddeyn kale u ah in weli amniga caasimadda aanu cago badan ku taagneyn.